Deeq Wadanka Turkigu Soo Gaadhsiiyey Somaliland oo qaybtii Berbera kaga soo haggaagtay loo qaybiyay qaar ka mid ah dadka danyarta Jilicsan ee Xaafadaha qaarkood

Berbera-(Berberanews)- Deeq Wadanka Turkigu ugu deeqay Somaliland oo dhawaan soo gaadhay Marsada Berbera, ayaa qaybtii kaga soo hagaagtay Gobolka Saaxil saaka loo qaybiyay qaar ka mid ah xaafadaha dadka danyartu deganyihiin ee Berbera.

Maayarka Magaalada  Berbera  Cabdale Maxamed Cali oo markii hore lagu wareejiyey Deeqdan, ayaa  u wakiishay  qaybinteeda qaar ka mida Culimada Magaalada, iyo qaybta arrimaha Bulshada ee Dawlada Hoose, ayaa loo qaybiyey Dadka aadka u jilicsan ee ku dhaqan Xaafadaha Magaalada  Berbera.  

Deeqdan oo isigu jirtay Dhar, sallied, raashin kala duwan iyo Bustayaal, ayaa waxaa qaybinteeda  ka hadlay Sh. Axmed Cabdi Jaamac,oo ka mida Culimada Magaalada Berbera ee loo xil-saaray isagoo arrintaa ka hadlayaa waxaa uu yidhi “ waxaa Maanta aanu ku qaybinaynaa Xaafadaha Magaalada Deeqdii uu wadanka Turkigu inoogu deeqay oo uu Maayarku noo wakiishay qaybinteeda, Alxamdulilaah si fiican ayey  qaybinteedii noogu dhamaatay, waxaanu u qaybinay meelo badan oo ay ku jirto Jimciyada Mujaahidiinta Sooyaal, iyo Xaafado ay ku dhaqan yihiin Dad jilicsan” ayuu yidhi Sh. Axmed.

Dhinaca kale waxaanu wax ka waydiinay dareenkooda qaar ka mida Dadkii Deeqdaas loo qaybiyey Maanta, “ waxaan ahay Hooyo ku dhaqan Xaafada Wadajir ee Magaalada Berbera, aad ayaan ugu faraxsanahay Deedan, waxaan leeyahay way na soo gaadhay Deeqdii, laakin wali waxa jira Dad jilicsan oo aan waxba helin, markaa waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka Jisaa’I siiyo dhamaantiin”.

Deeqdan oo ka koobnayd laba Gaadhi oo u dhigma 21tan, ayaa waxaa ku jiray dhar cusub oo aan la soo isticmaalin isla markaana ay u baahnaayeen Dadkaasi.

Qaar ka mida Xaafadaha Magaalada Berbera, gaar ahaan Waaxda wadajir qaybteeda Jaamalaaye ayaa waxaa ku nool dad aad u jilicsan oo iyagu u baahan Deeqo iyo taakulooyin intan ka badan, oo la soo gaadhsiiyo, waxaana jirta Dad aad u jilicsan oo aan iyagu soo gaadhi Karin meelaha wax lagu qaybiyo, isla markaana uga baahi badan, kuwa iyagu Deeqaha la soo gaadhsiiyo.

Khadar Jamac Xaashi

Berbera