Shirkii Golaha dhexe ee UDUB oo Berri furmaya, dildillaaca ka muuqda iyo xubnaha la filayo inay Ururro cusub ku dhawaaqaan

Hargeysa- (Berberanews)- Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa sida ay Guddiga qaban-qaabada ee shirkaasi toddobaadkii hore shaaciyeen waxa uu Hargeysa ka furmayaa 31-ka October oo ku beegan Isniinta Berri.

Xisbiga UDUB oo aan gole dhexe oo la soo doortay lahayn tan iyo wixii ka dambeeyey Shirweynihii guud ee Xisbigaas oo 3-dii illaa 4-tii February 2009 ka qabsoomay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasoo lagu doortay Guddoomiyaha, Guddoomiye ku-xigeenka iyo Xoghayaha guud ee Xisbigaas, balse ma jirin gole dhexe oo shirkaas lagu doortay iyo shir gole dhexe oo ka dambeeyey oo la qabtay, hase ahaatee, waxa jiray xubno si madax-taabasho ah uu u magacaabay Guddoomiyaha Xisbigaas ahaana wakhtigaa Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Haddaba, iyada oo uu qabsoomayo shirweyne loogu yeedhay inuu yahay kii golaha dhexe ee UDUB, ayaa haddana waxa la sheegay inaanu shirkaas Isniinta ka furmi doona Hargeysa aanu ahayn shir lagu soo dooranayo xubno cusub, hase-yeeshee, waxay wararku tibaaxeen in shirkaasi lagu ansixin doono xubnahaas uu qaabka madax-taabashada ah ku magacaabay Md. Rayaale. Waxay tani sababtay sida la sheegay iyada oo marka horeba ay jireen Siyaasiyiin badan oo damac siyaasadeed iyo han hoggaamiyeed leh oo UDUB ka tirsan, haddana waxa la sheegay inay Rag badan oo UDUB ka tirsanaa ay arrimahaas awgeed qorshaynayaan inay ka diga rogtaan Xisbigaas, isla markaana ay ku dhawaaqaan Ururro-siyaasadeed cusub oo u tartama doorashada golayaasha deegaanka meel ay taagi dhigtaba.

Si aannu haddaba arrimahaas oo dhan wax uga ogaanno, waxa Wargeyska Ogaal la xidhiidhay Hoggaanka sare ee Xisbigaas, sida Guddoomiye ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, hase yeeshee wuu ka cudur-daartay inuu wax war ah na siiyo. Xubno kale oo masuuliyiinta Xisbiga ka mid ah oo aannu la xidhiidhnay ayaa sidoo kale ka gaabsaday inay arrimahaas ka hadlaan.

Hase-yeeshee, ila-wareedyo u dhuun-daloola hawlaha qaban-qaabada shirweynaha golaha dhexe ee UDUB, ayaa Wargeyska u xaqiijiyey in cabsi badani hadhaysay hoggaanka Xisbiga, inta la aragtida ah iyo Guddiga qabanqaabada shirkaas, ka dib markii Siyaasiyiin badani ay ka biyo-diideen qaabka Ajandaha Shirkaas loo dhigay, gaar ahaan qodobbada sheegaya inaan gole dhexe lagu dooran shirkaas ee lagu ansixiyo xubnihii magacaabista madax-taabashada ah ku joogay oo aanay Saxaafadda iyo Bulshada Somaliland aqoonnin kuwa ay yihiin.

Xubnaha ka tirsanaa UDUB-ta muuqata ee la sheegay inay Urur-siyaasadeed ku dhawaaqayaan, waxa ka mid ah masuul xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii UDUB ee uu hoggaaminayey Daahir Rayaale. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) iyo Siyaasiyiin door ah oo uu horkacayo ayaa inta la hubo la sheegay inay toddobaadkan gudihiisa, gaar ku dhawaaqi doonaan Urur-siyaasadeed cusub, kaasoo magiciisana lagu sheegay Wada-jir. Hase-yeeshee, Mr. Aadan-Dhoollayare oo aannu isku daynay inaannu arrintaa wax ka weydiinno ayaanay noo suuragelin, balse xubno ka ag-dhaw, isla markaana aad ula socda dhaq-dhaqaaqyadiisa, ayaa Wargeyska Ogaal u xaqiijiyey in Aadan-Dhoollayare iyo siyaasiyiin badan oo UDUB ka tirsanaa oo isugu jira sida la sheegay illaa toban Xildhibaan oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Xisbiga UDUB, illaa dhawr iyo soddon ka tirsan Xildhibaannada golayaasha deegaanka ee UDUB, xubno isugu jira Wasiirro, Wasiir ku-xigeenno iyo Agaasimayaal guud oo ka tirsanaa Xukuumaddii UDUB inay toddobaadkan ku dhawaaqi doonaan Urur-siyaasadeedkaas cusub ee magiciisa lagu sheegay Wada-jir.

Xisbiga siyaasiga ah ee UDUB oo muddo talada dalka soo hayey, hase ahaatee, wakhtigan mucaarid ah, isla markaana u muuqda Xisbi fagmay ama aan u dhisnayn sidii Xisbi mucaarid oo ah sannad iyo badh ka hor uun talada doorasho lagagala wareegay, ayey tallaabadan furista ururradu si weyn waxay u wiiqaysaa awoodihii Xisbigaas.

Si kastaba ha ahaatee, Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) oo ka mid ahaa Wasiirradii ugu furfurnaa, isla markaana lagu majeeran jiray inay wax qabad muujiyeen sannadihii uu joogay Wasaaradda Beeraha iyo sidoo kale Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka oo uu muddo bilaha isagoo hayey, wax badanna ka beddalay doorashadii Madaxtooyada ee KULMIYE ku guulaystay la galay, ayaa la odhan karaa waxa uu ka mid ahaa Wasiirradii UDUB muraayadda u ahaa, kaasoo isaga iyo inta la socotaa haddii ay kaga dhabeeyaan furista Urur-siyaasadeedka cusub culays siyaasadeed iyo saamayn muuqata ku yeelan kara taageeradii Xisbiga UDUB.

Xigasho Ogaal