Wasiir-ku-xigeenka amniga maamul-goboleedka Galmudug oo sheegay inay hayaan labo qof oo ka qayb qaatay afduub loo geystay Shaqaale ajnaniba

Gaalkacyo (berberanews.com) Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay Gacanta ay ku soo dhigeen ilaa iyo labo ruux oo qayb ka ahaa dadkii kaqaybqaatay afduub loo geystay todobaadkii hore la qof oo u shaqaynayay Hay’adda Miino-saarka DDG oo lagu af-duubay magaalada Gaalkacyo.


Axmed Maxamuud Baasto oo ah wasiir ku xigeen Amniga Galmudug oo wareysi siiyay Gobalka  ayaa wuxuu u sheegay in haatan la qabtay labo ka mid ah dadkii Afduubkaasi geestay.

Axmed Baasto ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in labadaan ruux ay soo qabteen dadka deegaanka iyo waliba ciidamada maamulka Galmudug oo iskaashanaya.

Sidoo kale wuxuu sheegay wasiir ku xigeenka in ragaan la soo qabtay sharciga la soo taagi doono isla markaana inta kale wali lagu raadjoogo isla markaana la soo qab doono.
“Waan ognahay waxaa lagu haayaa shaqaalaha cadaanka ah deegaano hoostaga degmada Xarardheere, halkaas ayayna ku xidhanyihiin”ayuu yidhi Axmed Maxamuud Baasto.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka Afduubka u heysta shaqaalahaan ajnabiga ah in ay siidaayaan isla markaana aysan wax shuruud ah ku xirin, wuxuu sheegay in dadkaan ay haayeen dad samafalayaal ah isla markaana wadamadoodii kaga yimid sidii ay dadka Soomaaliyeed wax ugu qaban lahaayeen.

#Toddobaadkii hore ayaa magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca koonfurta laga afduubtay labo ruux oo shaqaale cadaan ah, kuwaasi oo u kala dhashay wadamada Denmark iyo Mareykanka isla markaana u shaqaynayay hay’ada DDG oo qaabilsan dhanka miino baarista.

Berberanews.com
wakiilka deegaamada puntland
Maxamed C/qaadir Cali
dacaryare22@hotmail.com