Warbixin: Berberanews staff
Waa barnaamij taxanne ah oo shebekadda Berberanews akhristayaasheeda ugu soo gudbin doonto isbedelka magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ku yimi intii xukuumadda cusub ee Madaxweyne Axmed Silaanyo tallada la wareegtay ee dhinacyada dub-u-dhiska, dayactirka, addeegyada bulshada, dhaqaalaha, goobaha hay’adaha dawladda ee kala duwan siday ugu kala horeeyaan horumarka.
Annagoo ka duulayna mihnada saxaafadeed waxaannu barnaamijkan ku soo qaadan doonaa oo kale waxyaabaha aan illaa hadda waxba laga qaban ee cabashadoodu taagantahay, sidaa daraadeed waa inaan loo arag barnaamij cid gaara ku ammaanaya waxqabadkooda, laakiin uu yahay mid dheeli-tiran oo wax-qabadka iyo dayacaba, fartana ku fiiqi doono cidda ammaanteeda iyo eedeedaba leh.
Qaybteena labaad ee Barnaamijka waxaan ku soo qaadan doonaa isbeddellada Dekedda Berbera ku tallaabsatay, adeegyada kala duwan ee dekedda iyo weliba dhismeyaal cusub oo la hirgeliyey muddada sannadka iyo badhka ku dhaw ee xukuumadda xisbiga KULMIYE dalka ka talinaysay.
Dekedda Berbera oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalku ku tiirsanyahay, islamarkaana marin muhiima u ah isku xidhka ganacsiga kala duwan ee mandaqadda Geeska Afrika iyo adduunka intii Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo u magacawday maamulka cusub ee xilka kala wareegay maamulkii hore ee dekedda waxa maalinba, maalinta ka danbaysay laga dheekanayaa isbedel mug leh oo maamulka cusub ee dekeddu ku sammeeyay, dibna u geliyay dhaqaale fara badan oo markii hore loo addeegsan jiray maalin-qayil iyo masruuf loogu qaybin jiray dad kala duwan.
Muddo kooban waxay maamulka cusub ee dekeddu ka hirgeliyeen dhismayaal cusub, dib-u-dhis ay ku sammeeyeen kuwo hore iyo adeegyada cusub ee ay ku soo kordhiyeen agabka dekedda, kuwaasoo uu ugu muhiimsan yahay wiish casri ah oo awood u leh dejinta nooc kastoo alaabooyin ah oo dekedda yimaada, koobista xafiisyadda shaqada oo markii hore cabasho badani ka taagnayd xafiisyada oo ku kala yaalay masaafooyin kala durugsan.
Tan iyo 1991-kii adeegga biyo-siinta gaadiidka baddu waxay ahaayeen qaar aan shaqayn oo booyado suuqa uga soo dhaamiyaan maraakiibta, haseyeeshee intii xukuumadda cusubi xilka qabatay waxay maamulka dekeddu ka shaqaysiiyeen nidaamkii biyo-siinta maraakiibta oo lagaga maarmay nidaamkii booyaduhu suuqa kaga soo dhaamin jireen.
Sidoo kale, oo ballaadhin lagu sammeeyay barxadda dekedda Berbera, dhismaha xarun loogu tallogalay dam-demiska oo qaab casriyaysan loo dhisay, deyr lagu soo wareejiyay afaafka hore ee dekedda oo markii hore muuqaalkeedu ahaa mid aanay indho fayoobi eegi karayn, buulasha, makhaayada, dukaannada iyo meheradaha sida qaabka daran looga hordhisay, halkaasoo ay ku taallay goob saammalayl oo la baxday “Habeen kaama tegin”, balse sida ka muuqata sawirka sare haatan laga beeray Geedka timirta, halka ay markii hore hoy u ahayd xashiish iyo buulal isku raran ah.
La soco qayb kale oo aanu kaga hadlayno isbedelka Dekedda Berbera.