Hargeysa (Berberanews)- Xaaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal marwo Kaltuun Xaaji Daahir, ayaa maanta ku dhawaaqday in ay u taagan tahay hoggaaminta xisbiga UDUB oo toban sanno ka hor gurigeeda lagu aasaasay.
Marwo kaltuun Xaaji Daahir oo maanta hadal ka jeedisay shirweynihii labaad ee golaha dhexe ee xisbiga UDUB oo ka qabsoomay huteelka Crown ee magaalada Hargeysa, waxay sheegtay in maadaama xisbiga oo uu aasaasay odaygeedii, balse masuuliyiintii taladiisa hayey ku guuldarraysteen oo lagaga adkaaday doorashadii dalka ka dhacday ay hadda xaq u leedahay in iyada lagu wareejiyo.
Marwo Kaltuun waxa kale oo ay halkaasi ka jeedisay hadal garnaqsi ah oo ay ku sheegtay in aan UDUB gudin abaalkeedii, balse lala galay dagaal iyada ka dhan ah.
“Waxaan filayaa maalintii ILAAHAY ha u naxariistee uu Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal ka furay shirweynihii aasaaska UDUB aqalka shaqaalaha waxa ka soo wareegtay toban sanadood, intaasi ka dib la iguma arag saaxad ay UDUB leedahay si ay u dhacdayba. Waxa la yidhi Madaxweyne ayaa la sii dhaariyay oo Marxuum- Cigaal ku sii dardaarmay oo uu yidhi waxaan kaga sii tagay Daahir Rayaale, markii aanu maydkii Marxuumka keenay ee la aasay wixiiba waa la iloobay oo daaqada ayaa laga tuuray, maanta waan garnaqsanayaa nin ka naxa iyo nin ku farxowba. Madaxweynihii dalka loo dhaariyay dagaalkii aniga ayuu ka bilaabay,” ayey tidhi Marwo Kaltuun.
Waxaanay intaa raacisay, “Waxaan garan waayay xisbigii aan aasaaskiisa wax ku lahaa ma UDUB buu ahaa mise Xisbiga KULMIYE waayo naxariistii aan ka waayay UDUB, Daahir Rayaale iyo Xaaskiisa waxaan ka helay xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo Iyo Xaaskiisa kuwaasi ayaan sharaftii iyo nabsi-bixii ka helay oo i soo dhaweeyay intaasi waa wax dhacday oo aan la diidi Karin waana maalintii u horaysay ee aan wax taabtaabtay,”ayay tidhi Marwo Kaltuun Xaaji Daahir.
Xaaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland waxay soo jeedisay in lagu wareejiyo xisbiga UDUB, waxaanay tidhi, “Waxaan codsanayaa maanta in taladii xisbiga UDUB Guddoomiyenimadeedii aniga la igu soo wareejiyo diyaar ma u tihiin arrintaasi, talladii xisbiga UDUB in badan bay nimanku hayeen oo aanan tallo ku darsan oo aan lahaa inamada loollamaya ha dhex gelin maanta waan soo diyaar garoobay carabtu waxay tidhaahdaa wax waliba waxay ku noqdaan asalkiisii. Faysal Cali Waraabe maxkamad ayaa UCID rag kula galay maxkamadii isaga ayay u xukuntay xisbigii uu aasaasay. Waxaan leeyahay talladii xisbiga ha la igu soo wareejiyo cidii la isku waafaqana anagaa ku soo celin doona tallada gacantooda.”