Xisbiga UDUB Oo Qabsaday Shirweynahoodii Golaha-dhexe, Una Dabaal-degay Sanadguuradii 10-aad ee Ka Soo Wareegtay Asaaskii Xisbiga

Hargeysa-(Berberanews)- Xisbiga mucaaradka ee UDUB, ayaa maanta  Hotel Crown ee  Magaalada Hargey ku qabtay Shirweynahoodii labaad ee Golaha-dhexe, waxaana ay u dabaaldageen  Sanad guurada 10-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Xisbiga UDUB.

 Shirweynahan  Xisbiga oo lagu qabtay , waxa ka soo qaybgalay  Boqolaal  Ergay oo isaga kala yimid Gobolada iyo Degmooyinka, Guddoomiya ku xigeenka UDUB ahana ku simaha Xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiradii Xukuumaddii hore  Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Hogaanka sare ee Xisbiga UCID,  Marwadii  Marxuum Cigaal Kaltuun Xaaji Daahir, iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxaana halkaas lagu dhaariyay Xubnaha Golaha-dhexe ee Xisbiga, kuwaas oo balan qaaday in ay Daacad u noqon doonaan  waxa loogu yeedhay dib u soo noolaynta Himilada Xisbiga.

 

Waxa madasha Shirweynaha ku sugnaa 260 Xubnood oo ka  isugu jira Golaha sare ee fulinta iyo Golaha dhexe, waxaana halkaas lagu soo bandhigay Barnaamij ka waramayay Taariikhda Xisbiga UDUB, gaar ahaan  khubad uu jeediyay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal  Bishii June ee Sanadkii  2001  markii lagu dhawaaqay  Xisbiga oo uu lahaa fikirkii aas-aaskiisa, taas oo ahayd mid qiiro ku abuurtay Ergooyinkii Shirka ku sugnaa oo dib u  xusuustay  cududii xisbiga  ee xiligaas.

Guddoomiyihii Guddida qabanqaabada  ee Shirka Rashiid Xaaji Cabdilaahi oo hadal kooban ka jeediyay furitaankii shirka ayaa  sheegay  shirka golaha dhexe oo uu saldhig u yahay dib u soo noolaansha xisbigaas, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Shirkani waxa uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah sanad-guuradii 10-aad  ka soo wareegtay Maalintii la aasaasay Xisbiga UDUB oo ahayd Bishii June Sanadkii 2011-dii . Arinta labaad waxay tahay Shirweynaha Xisbiga UDUB, markaa waxaan jecelahay  in aan dhaariyo dhamaan Xubnaha Golaha-dhexe ee Kaadhadhkoodii sita, dabadeed-na aan Barnaamjika halkaas ka sii wadno”

Xaaska Madaxweynihii ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo halkaas hadal ka jeedisay  ayaa sheegtay in ay maanta garnaqsanayso , isla markaana waxay sheegtay inay tahay Hooyadii Xisbiga  “ Maanta waan garnaqsanayaa  kii neceb iyo kii ku faraxsanba, xisbigan waxaan ahay hooyadii oo gurigayga yuu ka barbaaray, Faysal Cali Waraabe markii xisbiga lagu qabsaday ee maxkamada la isla galay waa tii loo celiyay anigan xisbiga ha la ii soo celiyo, markaa waxaan taageerayaa qofka ku soo baxa, waxa luntay karaamadii xisbiga”

Wasiirkii hore ee Duulista hawada. Cali Maxamed Waran cadde oo ka hadlay Shirkaas ayaa sheegay in marka uu xisbi talada ka dego ay muddo qaadanayso sida uu isku soo abaabuli lahaa, waxaanu  “Waad ogtihiinoo xisbiga talada dalka ka degaa muddo ayay qaadataa siduu isu soo abaabulaa si uu dagaalka mar kale u galo. Maanta waxaanu soo gabo-gabaynay dib u gurashadii xeesha dagaal ee aanu sanadka iyo googa’a ku qaadanay. Waxaanu ummadda reer Somaliland ee shakiday u sheegaynaa beelaha shiraya ee ka shakisan masiirkooda iyo busaarada baahsan ee wadanka ka dhacday inaanu soo deg degi doono,waxaanu idiin balan qaadaynaa inaanu dalka ka saari doono marxalada labaad ee horumarinta ee saaxiibadayadii aanu meesha u yara dhiibnay ay wadi kari waayeen ee baabuurkii baatroolka badani ku jiray ee aanu u dhiibnay socon kari la’yahay,”

Cali Waran-cadde waxa kale oo uu sheegay  in Xisbiga UDUB aanu ku iman doonin wax dildilaaci ahi, waxaanu yidhi “Waxaan ka mid ahay ragga hungurigu ku jiro laakiin balan waxaan idiinku qaadayaa inaan UDUB dildilaac ka soo bixi doonin sida nacabku filayo oo haddii la ii doortana aan ku hoggaamiyo bash bash iyo barwaaqo haddii saaxiibaday la doortana aan ku garab galo.”

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga  UDUB ahna Guddoomiyaha Axmed Yuusuf Yaasiin  oo ka hadlay gabagabadii Shirkaas ayaa sheegay in xisbigoodu uu saldhig u ahaa  Dimuqraadiyada dala ka hanaqaaday, isga oo sheegay in markii talada dalka lagaga guulaystay ay u wareejiyeen si nabad ah, waxaanu yidhi “ Xisbigan markii la aas-aasay waxa uu dalku ku jiray nidaam qabaa’il ah Marxuum Cigaal waxa uu doonayay in waxaas laga baxo, maanta rajo ayaan qabnaa,  waxa ay dadka halkan isugu yimid ka yimaadeem gobolada dalka oo dhan, xisbigan qabiil laha waxa leh dalka, markii lana guulaystay waxa aanu u wareejinay si walaaltinimo ah.  Haddii ay noqoto muxuu xisbiga UDUB u dhacay sagaal sanadoodna waxa talada hayay Cigaal sideed sanadoodna waxa tallada hayay Daahir Rayaale oo labaduba UDUB ah dadkuna waxay jecel yihiin isbedel.”

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa kale oo uu ku faanay inay dalka ka hir-galiyeen afar Doorasho oo u dhacay si  Xor iyo Xalaal ah, waxaanu yidhi “Waxa lama ilaawaan ah oo beesha caalamkuna indhahooda inoo soo jeedisay Madaxweyne Rayaale awooda ugu wareejiyay maamulka hadda dalka ka jira iyadoo wax qas iyo qalaan-qal ahi dalka ka dhicin, waxaanu jideeyay dhaqan suuban oo ku dayasho mudan.”

Mr Yaasiin waxa uu intaas ku daray “Guddidii fulinta waanu sameynay oo waa 33 Xubnood, Golihii dhexana waa la dhaariyay 250 ka mid ah oo maanta soo xaadiray, waxaynu marka uu shirkani xidhno aanu galaynaa kaabistii xeerka xisbiga UDUB”

Waxa kale oo iyaguna  halkaas ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo masuuliyiin kale , kuwaas oo muujiyay taageerida ay u hayaan xisbigooda, waxaana ay soo jeediyeen in  ilaalo midnimada isku duubnimada xisbiga.