Hargeysa-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), ayaa maanta Xilkii si ku meel-gaadh ah ugu sii wareejiyay Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ka dib markii uu galay Bil fasax ah uu socdaal Shaqo ugu kicitimayo dalka Ingiriiska.
Xaflad Badhasaabku uu xilka ugu wareejinayay Maayarka oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Wasaarada Arrimaha guddaha, waxa ka soo qayb-galay Xoghayaha cusub ee fulinta Dawlada Hoose Hargeysa ee cusub Mawliid Waris Cabdilaahi iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo ka hadlay halkaas ayaa sheegay in muddadaas Bisha ah ee uu dalka ka maqnaan doono uu Xilkii Badhasaabno ku meel gaadha ahaan ah ugu wareejin doono Maayarka Caasimada, waxaana uu yidhi “Waxaan kulankan idiinku yeedhay in shaqadii aan u hayay qaranka aan si ku meel gaadh ah ugu wareejiyo Guddoomiyaha Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa oo ku sii shaqayn doona mudadaas bisha ah ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex. “Waxaana sidaasi aanu u yeelay iyadoo dhawaan uu shaqadii ka tagay Guddoomiye Ku xigeenkii gobolka Maroodi-jeex , markaanu Xeerarkii iyo qaynuunkii eegnay sharciyan waxa weeye inuu duqa Caasimadu hawshii sii wado, isagoo markii horeba xil culus hayay haddana waxaan mudadan bisha ah xilkii gobolka kaga sii tagay Xuseen Maxamuud Jiciir,”
Sidoo kale, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay Xafladaas ayaa isna sheegay in Xilkan sida ku meel-gaadhka ah ee maanta lagu wareejiyay uu si habsaami leh u sii wadi doono, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Runtii waxaynu haynaa masuuliyad waxaana qofku xaq u leeyahay inuu shaqo iyo fasax labadaba u baxo inkasta oo uu imika shaqo iyo fasaxba uu u baxayo Guddoomiyaha Gobolku, markaa xilkan waan qaatay waanan aqbalay waxaanan rajaynayaa inaan si habsami ah u wadi doono mudadaasi uu fasaxa ku maqan yahay gudoomiyaha Gobolku.”
Maayar Jiciir oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Guddoomiye, safar iyo fasax wanaagsan waxaanan ku leenahay shaqadii waxaad kaga tagtay gacmo wanaagsan waana sii wadi doonaa hawshii qaranka,”
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com