Madaxweynaha Puntland oo shaaca ka qaaday in ammaanka Waqooyiga Gaalkacyo faraha ka baxay

Boosaaso-(Berberanews)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa shaaca ka qaaday in ammaanka magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan Waqooyiga uu faraha ka baxay.

Madaxweyne Faroole oo shalay furay kalfadhiga 27-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa ka jeediyay khudbad xasaasi ahayd, isagoo sheegay in ammaanka guud ee waqooyiga Gaalkacyo uu faraha ka baxay. Mr. Faroole wuxuu sheegay in falalka ammaan-darro ay mas’uul ka tahay Argagixisada Al-shabaab oo uu sheegay inay dad u soo direen Puntland, isagoo sheegay in qaar ka mid ah dadka Puntland ay taageersan yihiin kuwa nabadgalyadooda khatarta ku ah.

Waxaanu yidhi Madaxweynuhu; “Puntland uma dulqaadanayso inay sii socdaan falalka isugu jira dilalka qorsheysan iyo amni-xumada ee ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland.” Madaxweynaha Puntland, wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan dagaal toos ah la geli karin ciidamadooda, balse ay si qarsoodi ah oo hoose u dilaan waxgaradka iyo qof walba oo dowladda u shaqeeya.

“Al-shabaab ka bixitaankeeda Muqdisho waa mid qorshe dagaal salka ku haya, waa been abuur ay u sameynayaan dowladda, qaar kasoo tagay Muqdisho ayaa halkan yimid si ay dhibaatooyin uga geystaan.” ayuu yidhi Faroole. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in haya’daha ammaanka iyo shacabka Puntland qaarkood ay la shaqeeyaan Al-shabaab, isagoo xusay in markii la qabto qof ka tirsan Al-shabaab ay u ololeeyaan sidii lagu sii-dayn lahaa isla markaana ay qariyaan dambiyadooda.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland wuxuu ka hadlay heshiiskii kala dhexeeya dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in heshiiskaas uu meel wanaagsan marayo, kaddib wadahadallo dhowr ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta dowladda iyo Puntland. Ugu dambeyn, C/raxmaan Faroole wuxuu taageeray ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in cid walba oo dagaal la galaysa Al-shabaab ay u ogol yihiin inay dalka soo galaan, taasoo uu xusay inaysan waxba u dhimayn madaxbannaanida Soomaaliya.

Xildhibaannada Puntland oo tiradoodu tahay 66-xubnood ayaa waxaa kulankii shalay furmay soo xaadiray 51-xubnood, iyadoo aan la sheegin halka ay ku maqan yihiin xildhibaannada maqan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.