Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta waxay warbixin kaga dhagaysteen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi.
Fadhigan oo uu guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali, kaasoo mudanayaasha ka soo qaybgalay ka sokow uu ka soo xaadiray Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi oo ka warramay hawlaha Wasaaradda Maaliyaddu u qabato Qaranka Somaliland, isla markaana waxa uu xusay in muddadii uu Wasiirka ka ahaa muujiyeen dedaal ballaadhan iyo wax qabad muuqda, isaga oo Wasiir Xaashi si gaar ah u soo qaatay habka dakhlin kordhinta iyo habsami u socodka xisaabaadka Hay’adaha Qaranka iyo sidoo kale, tashiilka kharashaadka ay isticmaalaan.
“Wakhtigii aannu haynay Xafiiska Maaliyadda ee Somaliland waxaanu kordhinay boqolkiiba toddobaatan(70%) Miisaaniyaddii ahayd kontonka malyuun waxaanu rejaynaynaa inaannu boqolka gaadhsiino, haddii aannu gaadhsiin kari waynana inaannu gaadhsiino siddeetan(80) illaa sagaashan (90), marka aynu sannadkan xisaabinno ee aynu u eegno sannadkii hore, saddexdii bilood ee hore waxaanu kordhinay lixiyo soddon boqolkiiba (36%) saddexdii ku xigayna waxaanu kordhinay toddoba iyo lixdan boqolkiiba (67%), saddexdii ku xigay ee September ku dhammaanayeyna waxaannu kordhinay siddeed iyo toddobaatan (78%) marka loo eego sannadkii hore ee ay hayeen dawladdii hore.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.
Wasiirka Maaliyadd oo ka hadlayey sida korodhkaas uu sheegay lagu keenay, waxa uu yidhi; “Korodhkaa sida aannu ku keennay hadidi aan tafaasiil idinka siiyo aan soo qaato magaalada hargeysa. Magaalada Hargeysa waxay ka kooban tahay shan waaxood, waxaana ka sii farcama 22 xaafadood waxaana noo socota inaanu xaafad walba xafiis ka furno si aanu u ogaano xaafad walba ganacsiga ka socda dabadeed aanu isku xidhno oo aanu ogaan karno wixii soo galay iyo wixii ka baxay magaalada anaga oo aan xafiiskayaga dhaafin, waxaanu ka faa,iidaysanaynaa aqoontan cusub ee technology-ga, magaalooyinka kalana waxaanu u dirnay in sidaas oo kale loo sameeyo xafiisyo, markaa waxaanu damacsanahay in xaafad walba waxa meherado ka jira aanu diwaan galino.”
“Diwaan-gelintu way socotaa oo imika waxaanu dhamaynay degmada 26 June, waxaanu ku jirnaa degmada Gacan Libaax intaas ka bacdina waxaanu u gudbaynaa inta noo hadhsan, waxaana la qiimayn doonaa meherada waxa ka soo baxaya, imisa ayaa liisan leh oo laga filayaa sanadkii, imisaa kiro laga qaadayaa oo kiradii qoran tahay, dabadeed waxaanu rajaynaynaa inaanu gaadhno heer aanu ogaan karno sanadkii dakhliga xukuumada ka soo gali kara xaafad walba, sidaas oo kalana ayaanu magaalooyinka kalena u samaynaynaa foomamkiina waanu u dirnay inay sidaas u buuxiyaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Intaas ka bacdi meheradii way qiimaysmaysaa waxaanay leedahay darajooyin, markaa inanka ka madaxda ah agaasimaha waaxda cashuuraha barigu wuxuu ogaan karaa maalin walba wixii soo hoyday iyo wixii meel kale ku hadhay oo hadii ay kiro tahay la kala garto inta soo xarootay iyo inta hadhay, waxa kale oo aanu damacsanahay inaanu buugaagtii laga goynayey risiidhada aanu daabacno oo ay ku jirto risiidhadaas macaashka meheradaha yar yar, oo hudheelada waaweyn marka wax laga cuno ama shaah laga cabo ama sharaab inuu sales textkii qaato, sales text-kuna waxa uu ka mid ahaa cashuuraha aan la qaadin, wixii macaashal macaash ahna lama qaadi jirin marka laga reebo inyar, markaas cashuurahaa aan la qaadi jirina sidaas ayaanu u farsamaynay in loo daba galo oo la soo xarayn karo.”
Berbernews.com
Hargeysa/Somaliland.