Qaraxyo Xalay lagu weeraray Saldhig Boolis oo ku yaalla magaalada Laascaanood

Laascaanood-(Berberanews)- Laba qarax oo ah bambaanoyinka gacanta laga tuuro, ayaa xalay lagu weeraray Saldhigga Booliska Xaafadda Daami ee magalada laascaanood, waxaana ku dhaawacmay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada Saldhigaas.

Qaraxan ayaa waxa dhawaqiisa laga maqlayey inta badan magalada waxaana goobtii uu araxu ka dhacay ciidamada booliska kuwaas oo baadhitaano ka sameeyey goobtii uu qaraxu ka dhacay.
Guddoomiyaha gobolka Sool iyo Taliyaha Booliska ayaa xalay ka hadlay qaraxyadan, kuwaas oo sheegay inay baadhitaanno wadaan oo ay ku baadi goobayaan cidda ka dambaysay qaraxyadaas xalay lagu weeraray Saldhiggaas.
Qaraxan ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee lala beegsado saldhiga kaas oo waxyeelo ka soo gaadho ciidamada ilaalada ka ah saldhigaas mana jirto cid ilaa hadda loo soo qabtay qaraxaas.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.