Shirkadda Al-Nuur Furniture oo Dhar iyo Kabo ugu Deeqday Carruurta lagu Hayo Xarunta Agoomaha ee Hargeysa

Hargeysa-(Berberanews)- Shirkadda Al-Nuur Furniture Company, ayaa maanta Deeq isugu jirta Dhar iyo Kabo gaadhsiisay Carruurta  Agoomaha ah ee lagu hayo xarunta Agaamaha ee magaalada Hargeysa, si ay ula Ciidaan Carruurta Waalidkood gacanta ku hayo.

Mukhtaar  Biixi Sheekh-doon  oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda Al-Nuur Furnitur, ayaa halkaas ku Wareejiyay, Dharkii iyo Agabkii kale ee ay ugu talagaleen Carruurta lagu hayo xarunta Agoomaha Hargeysa. Mukhtaar oo faahfaahin ka bixinaya xaddiga Dharka iyo Kabaha ay Shirkaddu carruurtaas ugu deeqday waxa uu yidhi; “Aniga oo ka Wakiil ah Shirkadda Al-Nuur waxaan ku wareejinayna Xarunta Agoomaha, Shaadhadh dhan 170, 150 Surwaal, Kabo tiradoodu tahay 150 Beer iyo 150-koodii sharabaad. Deeqdaas waxaannu ugu talagalnay ka AlNuur ahaan sidii aannu uga qeyb qaadan lahayn in wax la taro Carruurteenna Agoomaha ah oo ay la Ciidaan, isla markaana farxadda la qaybsaaan Carruureenna Aabbayaashood ciidsiinayaan oo ay nala Ciidaan.”

“Gudoomiyaha Xarunta Agoomuhu aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaynaa, maxaa-yeelay? Waa waxa nagu dhiirrigeliyay in aannu alaabtan keenno. Shirkadda Al-Nuur Furniture waxay mar walba diyaar u tahay wixii ay macashto in ay ku soo celiso dadkeeda, gaar ahaan Agoomaha, oo ah wax muhiim ah in la gargaaro oo Diintannu ay sheegayso.” Sidaa ayuu yidhi Mukhtaar Biixi Sheekh-doon oo ku dheeraaday sida Shirkada AlNuur ay mar walba uga war qabto xarunta Agoomaha.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadashay Guddoomiyaha Xarunta Agoomaha Hargeysa, Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, oo u mahad-celisay Maamulaha Shirkadda Al-Nuur Furniture Company Cabdiraxmaan AlNuur oo ah Ganacsadaha  Shirkadda Al-Nuur leh. “Waxaan leeyahay Ganacsatada Somaliland ugu deddaala Xarunta  Agoomaha sida ay wax u siiyaan Shirkadda Al-Nuur Furniture Company oo kale. Waxaan u mahad-celinayaa Cabdiraxmaan Al-Nuur, waxaan leeyahay Ajar iyo Xasanaad Illaahay hakaa siiyo, wixii  aad dhiibatay, malinta Aakhiro ayaad helaysaaye.” Sidaa ayay tidhi Guddoomiyaha Xarunta Agoomaha Hargeysa.

Guddoomiyaha Xarunta Agoomaha  Marwo Caasha Maxamuud Qaalib, ayaa sheegtay in ay Carruurta Dharkan loo keenay ay aad u faraxsan yihiin, waxaanay xustay in Shirkadda Al-Nuur Furniture Dharkan ay shalay ku wareejisay ahayn markii ugu horreysay ee ay Deeq nuuceeda ah u keento Carruurta ku jirta Xarunta Agoonta Hargeysa, hase-yeesheetay waxay Caasha tilmaantay inay Ciid kasta Al-Nuur soo xusto Agoomaha xaruntaas ku jira oo gaadhaya 500 oo aan Aabbo, Hooyo, Ehel iyo qaraabo toona lahayn. “Ehel Somaliland iyo shacabkeeda uga dhaw oo ay Carruurta halkan ku jirtaa ma jirto, sidaa daraaddeed, waa in loo damqadaa sida Shirkadda Al-Nuur oo kale.” Ayey tidhi Guddoomiyaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Marwo Caasha.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.