Wasiirka Shaqada Somaliland oo mabnuucday dadka aan Muwaaddiniinta ahayni Inay ka shaqeeyaan dalka

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa shaaca ka qaadday in la mabnuucay inay dadka soogaleetiga ah ee aan waddanka Somaliland u dhalannini ka shaqayn karin goobaha shaqo ee dalka.

Wasiirka oo maanta soo saartay War-Saxaafadeed ay arrintaa kaga hadlayso ayaa waxay sheegtay inay go’aan adag ay ku mamnuucday in dadka ajanabiga ahi ay dalka ka qabtaan shaqo, gaar ahaan shaqooyinka ay muwaadiniintu buuxin karaan. Waxa kale oo ay ugu baaqday Hay’adaha, shirkadaha, Guryaha iyo Meheradaha inay shaqada ka joojiyaan ajaanibka aan sharci darrada dalka ku jooga, kuwii sharci haystana ay u soo dalbadaan ruqsad shaqo. Warka qoraalka ah ee ay Wasiirku soo saartay waxa uu u dhignaa sidan:-

“Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu markey daristey go’aankii ka soo baxay Xukuumada Somaliland markay taariikhdu ahayd 04/09/2011 ee Ajaanabka sharci darrada dalka ku jooga lagu saarayey. Markay ku qanacday ahmiyada ay leedahay fulinta, dhaqangalinta iyo hubinta ku dhaqanka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Jamhuuriyada Somaliland Xeer LR 31/2004.

Markay aragtey baahsanaanta Shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta iyo ahmiyada loo qabo in muwaadiniinta bilaa shaqada ah shaqo loo abuuro. Markay ogaatey inay jiraan dad badan oo ajaanab ah oo dalka sharci darro ku jooga ama aan haysan ogolaansho shaqo oo dalka ka shaqeysta hayana shaqooyin badan oo muwaadiintu qaban karaaan.

Waxay soo saartey go’aannadan:-

Dhammaan loo shaqeeyayaasha iyo Shaqaalaha Ajaanabka ee sharci darrada dalka ka shaqeysta waxa la farayaa inay u hogaansamaan go’aanka kor xusan.

Wasaaradu iyadoo fulineysa Qododka 32aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ee Jamhuuriyada Somaliland Xeer LR-31/2004 oo si cad u tilmaamaya reebbanaanta shaqaaleynta ajaanabka ayaa waxay faraysaa dhamaan loo shaqeeyayaasha sida: Shirkadaha, Warshadaha, Guryaha, Hudheelada, Hay’adaha iyo Goob kasta oo shaqo inay reebban tahay shaqaaleysiinta ajaanabka sifada sharci darrada ah dalka ku jooga ama aan ruqsad shaqo ka haysan.

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshaddu Dhamaan loo shaqeeyayaasha ay wakhtigan goobahooda shaqo ka shaqeeyaan ajaanabka aan buuxin shuruudaha ogolaanshaha shaqo ama aan haysan ogolaansho shaqo waxa la farayaa inay cidii buuxineysa shurruudaha ogolaanshaha dalkana sharci ku jooga u dalbaan ruqsad shaqo si loogu ogolaado ama loogu diido, cidii aan buuxineyna kaga joojiyaan shaqada ay u hayaan kuna badashaan muwaadiniinta xaqa u leh iyagoo raacaya dariiqa sharcigu u jideeyey.

Qofka ajaanabka ee loo ogol yahay inuu Somaliland ka shaqeeyo ka dib marka ruqsad shaqo la siiyo waa qof dalka sifo sharci ah ku jooga haystana ogolaansho, islamarkaana shaqada uu qabanayo aan muwaadin qaban kara Somaliland laga helayn, lana xaqiijiyo inay tahay shaqo aanu muwaaddin qaban karin.

dhammaan Shaqaalaha ajaanabka ah ee dalka kaga shaqeysta sifo sharci darro ah ee aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay in la siiyo ruqsad shaqo waxa la farayaa inay dalka isaga baxaan farahana ka qaadaan shaqooyinka ay hayaan. Waxaa la sameyn doono kormeero lagu hubinayo in la fuliyey go’aankan, cidii lagu helo inay u hogaansami weydeyna waxa lala tiigsan doonaa sharciga iyadoo lala kaashanayo hay’ada ku shaqada leh.

Waxa laga codsanayaa Wasaarada Arrimaha gudaha iyadoo kaashaneysaa laamaheeda amniga sida Booliiska iyo Laanta Socdaalka inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaado cidii aan u hogaansamin awaamiirta la farey, dalkana ka saarto ajaanibta go’aamaddan ka dhago adeyga.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.