Hargeysa-(Berberanews)- Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta golaha Guurtida horyimid si ay uga waramaan qaabkay wax u wadaan iyo doorashooyinka fooda inagu soo haya waxay u diyaariyeen.
Fadhigan golaha waxa shirgudoominayey guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Md: Siciid Cilmi Jaamac, waxaanu golaha usoo jeediyey in ay su’aalo waydiiyaan marka ay warbixinta ka dhagaystaan.
Intaas ka dib waxa guddidu ka warbixisay doorashooyinka la filayo inay Somaliland dhowaanta ka dhacaan iyo qaabkay u qorsheeyeen, iyagoo ka hadlay Arrinta uu khilaafku ka taagan yahay ee Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo la isku haysto in doorashada lagu galo iyo in bilaa diiwaangelin la’aan lagu galo.
Guddidu waxay sheegeen in aanay kharash u hayn in mar kale lagu celiyo Diiwaangelinta, sidaa darteed ay laba waddo u banaan tahay in diiwaangelintii hore lagu galo iyo in sidii hore ee lagu gali jiray ee bilaa diiwaangelin la’aan lagu galo, waxaanu sheegay in hadba sida labada gole Qaran ee xeerdajintu soo jeediyaan lagu galo doono oo aanay midna dano gaar ah ka wadan.
“ waad ogtihiin oo diiwaangelintii hore khilaaf ayaa ka taagan, awoodna uma lihin in mar kale diiwaangelin kale la sameeyo sidaa darteed, laba waddo ayuun baa inoo banaan oo ah in diiwaangelintii hore lagu galo iyo in sidii caadada ahayn ee aynu doorashooyinkii horaba ku gali jirnay ku galno” ayuu yidhi afhayeenka guddida Doorashooyinka Maxmaed Xirsi Geellle oo golaha u sharaxayey qaabkii doorashooyinka loo gali lahaa.
Guddoomiye ku xigeenka guddida Doorashooyinka Md: Khadar Cali Jaamac ayaa isna soo jeediyey in aanay guddidoodu wax shaqo ku lahayn arrimo siyaasadeed go’aana aanay kaligood qaadan karayn, sidaa darteedna uu xeerka doorashooyinku farayo in diiwaangelin lagu galo, marka golaha Guurtida iyo ka wakiilada ayey u taallaa waxay arrintaasi ka yeelayaan balse ay iyagu diyaar u yihiin inay doorashada qabtaan oo diyaar u yihiin.
“ anagu diyaar baanu nahay oo lacagtii waanu haynaa, balse doorashadu sida loo galayo diiwaanglein iyo diiwaangelin la’aan waxa laga yeelayo waxay u taallaa idinka oo shacabka uga masuul ah nabadgalyada dalka, marka sida aad tidhaahdaan doorashada waa loo galayaa uun ayaanu u qabanaynaa oo anagu waxaanu nahay guddi farsamo” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka guddida Doorashooyinka Somaliland, Khadar Cali Jaamac.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas su’aalo ku boobay xildhibaanada golaha Guurtida, kuwaas oo su’aalo dhinacyo badan taabanaysa waydiiyey. Su’aalahaasi oo saacado qaatay ayey guddidu dhamaantood ka jawaabayeen, iyagoo golahana ku amaanay kaalinta ay dalka kaga jiraan.
Golayaasha Deegaanka ayaa la filayaa inay bisha soo socota ee April ee sanadka 2012 ay doorashooyinkii ugu horeeyey ka dhacaan dalka, iyagoo ilaa hadda aan xal loo helin qaabkii lagu gali lahaa doorashooyinka maadaama oo khalad badan laga helay diiwaangelintii hore ee dalka ka wada dhacday oo ay ku baxday lacag faro badan.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.