Magacyada Budhcad-badeeddii u horreysay ee Somaliland lagu xukumo 2008 oo si qarsoodiya looga sii-daayey Jeelka Mandheera

“Way jirtaa arrintaasi, baadhitaan baa socda qaabka y ku soo baxeen nimanka Budhcd-badeedda ahi oo laba ka mid ah aan Berbera ku dhex arkay….” Mid ka mid ah Ciidanka baadhista dembiyada Saaxil

Berbera, 02 November, 2011 (Berberanews)- Laba ka mid ah Koox Budhcad-badeed Soomaali ah oo muddo saddex sano ku jiray Jeelka weyn ee Mandheera, ayaa si qarsoodi ah Xabsigaa looga sii-daayey, ka dib markii sida la sheegay ay bixiyeen Lacag fara badan.

Budhcad-badeeddaas oo ahayd kooxdii ugu horreysay ee ay xukun ku riddo Maxkamadda Gobolka Saaxil ee demada Berbera, bishii koobaad sannadkii 2008, oo lagu xukumay Xabsi u dhexeeya 20 illaa 15 sano, ayaa laba ka mid ah toddobaadkan lagu arkay gudaha magaalada Berbera. Hase ahaatee, waxa warar lagu kalsoon yahay ayaa Berberanews u xaqiijiyey in siiddeynta nimankaas ay sababtay Lacag badan oo Doollar ah oo la sheegay inay Budhcad-badeeddu suuqmadaw ku bixisay sidii Maxaabiistaa xukuman ee ku jirtay Xabsiga degmada Mandheera ee gobolka Saaxil loogu siiddeyn lahaa, kuwaasoo sida la sheegay si qarsoodi ah loo sii-daayey inta la hubo laba ka mid ah nimankaas.

“Way jirtaa arrintaasi, baadhitaan baa socda qaabka y ku soo baxeen nimanka Budhcd-badeedda ahi oo laba ka mid ah aan Berbera ku dhex arkay. Hase-yeeshee, mid ka mid ah oo migiciisu yahay Faarax Ismaaciil Iidle, kaasoo la sheegayo inuu tagay magaalada Boosaaso oo ay ku sugan yihiin Saaxiibbadiisii ay markii hore wada shaqaysan jireen.” Sidaa waxa yidhi oo Berberanews u sheegay mid ka mid ah Ciidanka Baadhista dembiyada ee Gobolka Saaxil oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo. Waxaanu masuulkaa Ciidanka baadhista dembiyada Saaxil ka tirsani intaa raaciyey in magaca ninka labaad ee Budhcad-badeedda ah ee baxay la yidhaahdo Cabdirashiid Ismaaciil Xaaji Cabdi.

Tirada Budhcad-badeeddii ugu horreysay ee dalka Somaliland lagu xukumo sannadkii 2008, ayaa ahaa 11 xubnood oo saddex ka mid ahi maqanayaal ahaayeen inta kalena gacanta lagu dhigay iyaga oo ku hawlan falal Budhcad-badeednimo, wakhtigaas oo ay Ciidammada ammaanka Berbera ku qabteen Xaafadda Daaroole ee magaalada Berbera, iyaga oo wata Hub iyo qalab ay damacsanaayeen inay hawlo Budhcad-badeednimo kaga fuliyaan Biyaha Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, Liiska magacyada Maxaabiistaas oo ahaa kooxdii ugu horreysay ee Somaliland lagu xukumo ee Budhcad-badeed ah, ayay shebekadda Berberanews heshay, waxaanay magacyada xubnahaas labada ka midka ah qarsoodiga lagu sii-daayey waxa uu u dhignaa sidan.

Faarax Ismaaciil Iidle,
Cabdirashiid Ismaaciil Xaaji Cabdi,
Maxamed Jaamac Xasan,
Maxamed Maxamuud Maxamed,
Cabdillaahi Maxamuud Maxamed,
Maxamed Xuseen Xasan,
Liibaan Maxamuud Ismaaciil,
Xamari Jaamac
Maxamed Hayaan Muumin. :Maqane,
Maxamed Jaamac :Maqane
Guuleed Cabdillaahi Shire : Maqane.

Maaha markii ugu horreysay ee la sheego in Maxaabiis Budhcad-badeednimo ugu xukuman dalka Somaliland si suuqmadaw ah loo sii-daayo, hase ahaatee, ku dhawaad Lixdan Maxbuus oo Budhcadbadeednimo u xukunnaa ayey dhawaa Warbaahintu faafisay in laga siidaayey Xabsiga dhexe ee caasimadda Hargeysa, arrintaas oo fadeexad weyni ka dhalatay, isla markaana galaafatay oo xilkii awgeed looga eryey Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Racfaanka gobolka Hargeysa iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliland.

“Xubnahaasi waxa sii daayey oo xadhiggana ka Iiibiyey Guddoomiyhii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa, hase ahaatee, Xer ilhaaliya guud ee (Qaranka Somaliland) ayaa dacwad ka dhan ah ku soo oogay ninkaasi, Guddida Caddaaladduna xilkii ayey kaga qaadday arintaasi. Waxa kale oo iyagana shaqadii laga eryey Saraakiil Ciidanka Asuubta ahaa, cid inay arintaasi faraha la gasho ay Xukuumaddu ka aqbalaysaana ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Maxmed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh), oo 14-kii October 2011 Xafiiskiisa Hargeysa ugu warramay warbaahinta dalka qaarkeed, ka dib markii ay wax ka weydiiyeen jiritaanka Maxaabiista Budhcad-badeednimada u xukunnaa oo la sheegay in Lacag badan oo Laaluush ah ama si qarsoodi ah loogu iibsaday xadhigga Maxaabiistaas laga qaatay Kooxaha Budhcad-badeeda Soomaalida ah.

Dalalka caalamka ee dawladda Somaliland kala shaqeeya arrimaha adkaynta nabadgalyada iyo la-dagaallanka argagixisada, ayaa cambaareeyey Budhcad-badeedda la sheegay in si qarsoodi ah looga sii-daayey Xabsiga dhexe ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasoo Somaliland-na ku noqotay fadeexad ballaadhan iyo naanays ku keeni karta inay aammin-darro soo kala dhex-gasho Somaliland iyo dalalka dunida ee arrimahaas kala shaqayn jiray, waxaana fadeexaddaa sii laban-laabaya Kooxda Budhcad-badeedda ah ee la sheegay in toddobaadkan laga sii-daayey Jeelka Mandheera.

Berberanews.com

Berbera, Somaliland

Email, info@berberanews.com