Weriye Maxamed Xarrago
Cabdiraxmaan Cismaan hoori waa muwaadin hawlgaba oo ka shaqayn jiray Xarunta laanta socdaalka magaalo-xeebeedda Berbera,ka dib markii xaaladiisa caafimaad u saamaxi weyday inuu si habsami ah shaqadiisa u guto, isagoo leh suuxdin mararka qaar xaaladiisa halis gelisa, balse muddooyinkii u danbeeyay waxa uu Cabduraxmaan maararow ka dhigtay qurxinta sawiradda iyo gelinta fareemada gidaarada la sudho.
Cabdiraxmaan Cismaan hoori waxa uu muddo toban maalmood ah ku xidhanyahay xarunta Saldhiga dhexe ee Berbera, ka dib markii bilowga todobaadkii hore uu fareem geliyay sawirka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo xarunta ciidanka socdaalka Berbera , balse uu sawirkii jacdaday, ka dibna intuu ka saaray uu jeexjeexay, kuna bedelay mid kale, haseyeeshee Muwaadin ay madaxweynaha hayb-wadaag yihiin uu helay sawirkii ka xummaaday Cabdiraxmaan Cismaan intuu soo ururiyay uu u geeyay Taliyaha qaybta bileyska Berbera Cabdi dheere oo isaguna ciidan boolis ah u diray oo xabsiga dhigay.
Xadhiga sharci-daradda ah ee lagula kacay muwaadin Cabdiraxmaan Cismaan hoori oo xaaladiisa caafimaad laga dayrinayo, muddo 10 maalmood ahna sifo sharci daro ah oo aanay jirin wax dembiya oo ku cadaaday iyo maxkammad la hor geeyay toonaa ay tahay tallaabo ka baxsan xeerarka xuquuqda aadamaha adduunka iyo nidaamka dimuqraadiyaddeed ee distoorka Somaliland u damaanadqaaday xaqqa xoriyadda muwaadiniinta.
Arrintani waxay I xusuusisay sheeko Hargeysa ka dhacday 1987-dii,badhtmihii halganka dhaqdhaqaaqii uruka SNM ugu xadhko-xidheen inay dagaal ula badheedhaan sidii ay shacabka Somaliland uga xorayn lahaayeen dulmigii, xasuuqii iyo kelitaliskii Ziyaad Barre.
Sheekadu waxay ku saabsantahay nin ka mid ah baaniyaalladii Hargeysa ku noolaan jiray ee ka ganacsan jiray xawaashka inuu maalin maalmaha ka mid ah xawaashkii uu iibinayay ku guntay joornaalkii Xidigta October ee ka soo bixi jiray magaalada Muqdisho, kaasoo uu ku yaallo sawirka Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somalia Maxamed Ziyaad Barre, ka dibna mid ka mid ah dadkii ka iibsaday guntinta xawaashka ah, markuu furay ku arkay sawirka Ziyaad Barre, waxaannu u gudbiyay ciidanka bileyska.
Ninkii Baaniyaalka ahaa oo aan isagu kaba warqabin sawirka Madaxweynaha, ayaa looga yeedhay Xaruntii Taliska 26aad ee Hargeysa, waxaanna lagu soo eedeeyay inuu quudhsaday Hoggaamiyihii kacaanka Jamhuuriyaddda; Maxamed Ziyaad Barre,halkaasoo hanjabaad iyo garaacis bileysku u geystay, waxaana dhacday in ninkii baaniyaalka ahaa ka xanaaqo joornaal Soomaaliyeed oo danbe inuu wax ku gunto.