Ceerigaabo-(Berberanews)- Taliyihii saldhiga bilyeyska Degmada Fiqi-fuliyeee oo bariga kaga beegan magaalada Ceerigaabo shine yaasiin Xiin Finiin., ayaa ku geeriyoodey dagaal caawa  dhexmaray kooxo dabley hubaysan ah iyo ciidanka bileyska. Sidoo kalena waxa ku dhaawcmay affar qof oo saddex ka mid ahi askar yihiin, midkoodna kooxda dableyda ah.
Dagaalkani wuxuu bilaabmay markii kooxo dablay hubaysan ah oo ay isku hayb-yihiin Taliyihii hore ee saldhiga magaalada Ceerigaabo oo mid ka mid ah askartiisu toogtay ay iyagoo u aargudaya weerar ku soo qaadeen Saldhigga Degmada Fiqi-fuliye, halkaasoo ay ku dilleen Taliyihii saldhigaas.
Wararku waxay intaa ku darayaan in kooxda dableyda ahi weerar qorshaysan ku qaadeen saldhigggaas, ka dibna ay halkaa ku dilleen Taliyihii saldhiga, iyagoo rasaas ooda kaga qaaday ciidanka bileyska ee halkaas ku sugnaa, kuwaasoo iyaguna is-difaacay, islamarkaana dib u riixay kooxdii weerarka qaaday.
Kooxda dableyda ah, ayaa markii ay falka dilka ah geysteen u soo dhaqaaqay dhinaca magaalada Ceerigaabo, halkaasoo ay kaga daba yimaadeen Ciidanka booliska iyo Milateriga oo iskaashanaya, islamarkaana ay gudaha magaalada is-rasaasayn ku dhexmartay gudaha magaalada Ceerigaabo.
Wararku sheegayaan inuu dhaawaciisu culus yahay mid ka mid ah saddexda askar ee dhinaca booliska kaga dhaawacmay dagaalkan oo laysku weydaarsaday hubka fudud, inkastoo xoggihiii ugu danbeeyay ee dagaalka naga soo gaadhay ay sheegeen in ciidammada milaterigu gaaf-wareegayaan gudaha magaalada, inkastoo aanay jirin cid laga qabtay kooxdii weerarka qaaday oo la sheegayo inay dhinac uga baxeen magaalada.
Berberanews.com
Hargeysa, Somaliland
Email, info@berberanews.com