Hargeysa-(Berberanews)–guuguuradii 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidamada Booliska Jamhuuryada Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu xusan Taliska guud ee Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa.
Munaasibad loo qabtay sanad-guuradaas ayaa waxa ka soo wayb-galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Taliye ku xigeenka Booliska, Wasiiro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horayn Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo halkaas ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhamaan Ciidamada Booliska Jamhuuryada Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ “ILAAHAY Baa Inagu simay inaan joogno dalkeenii oo nabadgelyo ah una dabaal degno munaasibadii 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska waxaan hambalyo u dirayaa ciidanka Booliska iyo xaasaskooda, Ciidanka Boolisku waa lafdhabarta qaranka waa saaxiibka dadweynaha, waa xuquuq dhawraha dadweynaha, hawsha adag ee aad hadh iyo habeen u soo jeedaan dadweynaha Somaliland iyo xukuumaduba way idiin ogyihiin”
Madaxweyne Ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay inay xukuumadiisa ka go’an tahay inay kor u sii qaado daryeelka Ciidammada dalka waxaanu yidhi “Waad ogtihiin tallaabada xukuumadu qaaday mudada sanadka ah ee ay mushaharkii u kordhisay ciidamada iyo shaqaalaha dawlada, waxa la yidhaahdaa kunka Tallaabo waxay ka bilaabmaan hal talaabo . waxaanu ku tallo jirnaa in ciidanka Booliska la tayeeyo tiro iyo tayaba inagoo og xaalada mandaqada aynu ku nool nahay ee ay ka jiraan Budhcad badeed iyo argagixiso.”
Isga oo hadalkiisa sii wata , waxa uu yidhi “Waxa jirta in waxa aad qaadataan iyo hawshaad qabataan aanay ahayn wax isku dhigma waxaan idin leeyahay in badan baad soo samirteen daryeelka ciidamada kala duwan ee dalku waa wax mar walba ku jirta qorshaha dawladan, waxaan idinku dardaarayaa inaad wadankiina u shaqaysaan, waxa la idiinka baahan yahay inaad xuquuqda muwaadinka ilaalisaan, shacbigana waxaan ka codsanaynaa inay la shaqeeyaan ciidanka Booliska oo ay u arkaan inay iyaga u adeegayaan,”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hadlay Munaasibadaas ayaa sheegay hambalyo u diray ciidanka Booliska sanad guurada 18-aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii, waxaanu yidhi “Ciidanka Boolisku Madaxweyne, dib u habayn weyn iyo dib u qaabayn iyo dedaal ayay inaga rabaan, intii lagu daray waa lagu daray inta dhimani waa mid aynu karayno ee talaabo leeg ayaynu sanad walba qaadi doonaa si aynu u dhisano ciidan adag oo amnigiisa lagu kalsoonaado,”
Wasiirka Arrimaha guddaha oo waxa ii intaas ku daray “Qabyadeena waynu dhamaystiranaynaaye’e adkaysta oo dedaalkana sii kordhiya,nabada ayaa saldhig inoo ah nabadduna cadow faro badan ayay leedahay. Waxaan qiraynaa in aanay Nabaddii gobolada dalka Somaliland si u wada biyo dhigin gobolada dadkoodii iyo waxgaradkoodii garteen nabada ee gardaadiyay ee ay qaan gaadhay halkan ayaan uga hambalyaynayaa, waxaan tagay gobol ay 35 kun oo arday waxbartaan sadex kun oo ardayna ay jaamacadaha ku jiraan iyo gobol boqolaal ay ka yar yihiin inta wax barataaba.”
Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland ahna Ku simaha Taliyaha Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka xog waramay waxqabadkii ciidanka Booliska ee sanadkii la soo dhaafay waxaanu ammaan u jeediyay ciidamadiisa oo uu tilmaamay inay hadh iyo habeen-ba heegan ugu jiraan sugida nabadgelyada dalka, waxaanu yidhi “ Waxa tobabar macaliimiin qaatay 150 ka tirsan ciidamad booliska oo ay macalimiin ajanabi ah siinayeen tobabarka kuwaas oo ku qaatay xabsiga Mandheera, waxa kale oo iyana tobabar dibadeed helay oo aanu u dirnay 120 askari oo dalka Itoobiya ku soo qaatay tobabar, waxa kale oo la dhisay xabsiyo loogu talogalay caruurta sharciga ku gefta oo laga dhisayey gobolada Saaxil, Maroodi jeex, Awdal iyo Burco, waxa kale oo sanadkan dib u habayn balaadhan lagu sameeyey lix saldhig oo ka tirsan caasimada Hargeysa ee Somaliland, waxa ciidanka loo iibiyey sagaal baabuur, waxa loo dhisay bakhaaro lagu kaydiyo hubka oo laga dhisay Boorama, Burco iyo Hargeysa”
Waxa kale oo Taliyuhu uu sheegay in waxyaalo qarxa ay ku qabteen dalka, waxa uu yidhi “Ciidamada booliska qaybtiisa Miinada waxay burburisay afar kun, laba boqol iyo sagaashan walxood (4290) walxaha qarxa, waxa gacanta lagu dhigay afarkun oo litir oo khamri, 104 duub oo xashiishad aha’ ayuu yidhi, isagoo ka waramaya shilalka baabuurta ee dalka ka dhacay sanadkan waxa uu yidhi “ Shilalka baabuurta sanadkan wuu libin laabmay 50%, waxaana ugu wacan wadooyinka oo xun iyo waddista gaadiid oo si fiican loo hanan”
Berberanews.com
Hargeysa,Somaliland
Email, info@berberanews.com