Hargeysa (Berberanews)- Urur-siyaasadeed cusub uu gadhwadeen ka yahay Wasiirkii Wasaaradda Caddaaladda xukuumaddii xisbiga UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin Mr. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa lagaga dhawaaqay shalay magaalada Hargeysa.
Urur-siyaasadeedkan oo lagu magacaabo WADAJIR waxa lagaga dhawaaqay xaflad ballaadhan oo shalay lagu qabtay huteelka Shiraaqle ee magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen siyaasiyiin, madaxdhaqameed, aqoonyahan iyo haween iyo dhallinyaro badan.
Guddoomiyaha-ku-meel-gaadhka urur-siyaasadeedka cusub ee WADAJIR Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa sheegay in qodobada ugu horreeya ee siyaasadda ururkooda ay ka mid yihiin, “In aanu wax ka qabano baahi faro badan oo dalka taal, qaranimada dalka oo la ilaaliyo, adkaynta nabadgelyada dalka iyo shaqo abuur dhalinyarada loo sameeyo. Waxa kale oo aanu ballanqaadaynaa noloshu waa biyaha waxaan ku dedaalaynaa in dalka loo helo oo biyaheena qulqulaya oo roob inagu filan waynu helaaye’e qaar la cabo iyo qaar wax lagu beertaba aynu helno,” ayuu yidhi Dhoolayare.
Waxa kaloo uu ka hadlay sababta ku keliftay samaynta ururkan, “Inaan ururkan furno maaha wax aniga iga yimi, laakiin muddo saddex sannadood ah iyo muddooyinkan dambeba waxa codsi badani iiga yimaadeen dhallinyarada reer Hargeysi ha u badnaatee iyo dadweynaha gobollada kale ka yimid, codsiyadaasi oo ahaa waxaanu kugu taageeraynaa inaad noqoto murrashax Madaxweyne markii ururada la furayna waxa aad la iiga soo codsaday inaan urur siyaasadeed furo. Haddana dhiirigelin aan ka helay shacbiga ayaa nagu dhiirigeliyay ururkan, been maaha ee mobile-kaygaas ilaa boqol farriimood way ku jirtaa oo saddex sannadood ayaan kaydinayay.”
Aadan Dhoolayare waxa uu ka digay olole siyaasadeed uu sheegay in qaar ka mid ah ururrada siyaasaddu bilaabeen iyadoon wakhtigeedii la gaadhin, waxaannu xukuumadda ugu baaqay inay arrintaas go’aan ka soo saarto, “Xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa inay nidaamkana ilaaliyaan oo iyadoo aanay guddidii diiwaangelintu wali fadhiisan oo aan xafiisyo helin oo aan wakhti cayimin in Guddidii Komishanka doorashooyinka oo aad iyo aad u mahadsan ay ka qaataan waayo-aragnimo.
Waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa markay ururadda siyaasaddu isku soo dhammaadaan olalaha iyo xafiis furistu ay mar wada bilaabmaan si aanay nabadgelyadeena iyo nidaamkaba aynu u ilaalino waa in xukuumaddu go’aan ka soo saartaa arrintaasi,” ayuu yidhi Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee WADAJIR.
Waxa kaloo xafladdaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel, siyaasiga Cali Sandule, xildhibaanno iyo mada-xdhaqameedyo ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir iyo Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi, kuwaas o dhammaantood tilmaamay inay soo dhawaynayaan ururka iyo tartanka siyaasadda.