Ganacsade Abu Yaasir oo Dib u cusboonaysiiyay dagaalkii uu kula jiray dhoofka xoolaha Somaliland, Sirta ku duugan qorsheyaasha cusub ee ku hawlanyahay iyo saammaynta ka dhalan karta.

“dekedda Berbera-na hal maxjar iyo saxeex keliya ayuun baa laga oggolaan karaa..”Axmed Xaashi Oday

 Berbera-(Berberanews)-  Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Bishii February 2009 xadhiga ka jaray dhismaha Maxjarka Xoolaha Berbera ee ay dhismihiisa hirgelisay shirkadda Carbeed ee Golf International oo ku yimi duruuf ka dhalatay xayiraadii xoolaha Somaliland saarnayd muddo toban sanno ee sayladaha ganacsiga xoolaha dalalka Carbeed.islamarkaana wax ka bedeshay noloshii dhaqaalaha iyo ganacsiga mujtamaca Somaliland oo dhaqaalahoodu ku xidhanyahay  xoolaha nool.

Furitaankii maxjarka xoolaha Al-jaabiri ee Berbera ka hirgalay waxa uu soo nooleeyay xidhiidhka ganacsi ee Somaliland la lahayd dadyowga Carabta iyo dhaqdhaqaaqii dekedda Berbera oo kor u kacay, haseyeeshee waxaa arrintaa ka cadhooday dalka Djibouti oo sida la ogyahay dagaal toos ah iyo mid dadban ba kula jira dekedda Berbera, iyadoo Djibouti fulinaysa damaceeda ay ku doonayso inay marin u noqoto dhoofka xoolaha Soomaalida oo dhan waxay markiiba geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay uga hortegi lahayd in Berbera noqoto marrin xooluhu ka dhoofaan, waxaana soo baxay qorsheyaal dahsoonaa oo ganacsato carbeed oo kaashanaya dadyow reer Somaliland ahi ay dagaallo  ay kaga soo horjeedaan ka bilaabay dalka gudihiisa iyo debediisaba, iyagoo u adeegaya danaha Djibouti ku damacday xoolaha Somaliland.

Madaxweyne Rayaale oo xadhiga ka jaray Maxjarka Al-jaabiri ka hirgeliyay Berbera

Sida laga warqabo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa markii uu tallada dalka la wareegay bishii july 2010, wax ka yar laba billood markii uu xilka hayay waxa uu soo saaray digreeto u muuqanaysay in degdegbadan iyo ka fiirsasho la’aan badani ku jirtay sida laga dheehan karayey nuxurka wareegtadaas uu ku ogolaaday maxjar labaad oo shirkadda ganacsadaha Abu Yaasir ka garab furtay maxjarka caafimaadka xoolaha ka dhoofaya dekedda magaalada Berbera ee Al-jaabiri, kaasoo qayb ka ahaa fulinta qorsheyaasha siyaasadeed ee dalka Djibouti, maadaama Ganacsade Abu-yaasir maxjar weyn ka hirgeliyay magaalada Djibouti oo xatuntiisu tahay.

Fulinta ogolaanshaha maxjarka labaad ee Madaxweyne Silaanyo qalinka ku duugay waxa hirggelintiisa qeyb weyn ka qaatay shirkadda Ganacsiga Indhadeero taas oo kamid ahayd shirkadihii sida weyn u taageeri jiray  Xisbiga KULMIYE wakhtigii ololaha doorashada madaxtooyadda, isla markaana uu balanqaadyad u sameeyey Madaxweyne Siilaanyo, sidaa daraadeedna isagoo madaxweynuhu fuliniya arimihii uu balanqaaday uu markiiba qalinka ugu  duugay Shirkada Indhodeero Group oo gadhwadeen ka ah Ganacsadaha Carbeed ee Abu yasir Maxjarka labaad ee Caafimaadka Xoolaha Dhoofaya iyada oo weliba aanu Maxjarkaasi aqoonsi ka haysan ururka Xoolaha Adduunka xiligaas uu Madaxweyne Siilaanyo Bixinayo Ruqsada ogolaanshaha, sida ku cad Qoraalka Digreetadiisa. Hadaba iyadoo uu ganacsade abu yaasir hormuud ka ahaa shirqoolada iyo Dagaalka Xukuumadda Jabuuti u maleegaysay Maxjarka uu Ganacsade Aljaaburi ka hirgeliyey Dekedda Bertbera ka hor intii aanu sucuudigu xayiraada ka qaadin Xoolaha Soomaalida ayaa la odhan karaa  ujeedadii Abu-yaasir iyo Djibouti ku taamayeen may noqon mid ay ka midho-dhaliyeen, ka dib markii uu socon waayay maxjarkii ay ka horgeliyeen Berbera oo qorshuhu ahaa in xoolaha ka dhoofa la sii mariyo dalka Djjibouti.

“Djibouti waxaannu ku dooranay inay tahay meel ku habboon dhoofinta xoolaha jewi ahaan……waana meel aannu u door-bidnay hannaanka baannanka ee ka jira, maadaama dawladda Djibouti ka mid tahay Ururka Dawladaha Xoolaha Dhoofiya….” Weedhahani waxay ka mid ahaayeen hadal uu wakiil shirkadda Abu Yasir ka tirsani ka jeediyey shir-weyne 2010 ka dhacay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo ka mid ahaa dagaalkii Ganacsade Abu Yasir sida aan gabashada lahayn ugula jiray  xoolaha Somaliland.

“Horta deked laba maxjar oo laba maamul leh ka wada furmi karaan caalamka ma jirto, dekedda Berbera-na hal maxjar iyo saxeex keliya ayuun baa laga oggolaan karaa..”sidaa waxa yidhi Wasiirkii hore ee xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo hadalkan ka jeediyay munaasibad uu madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland xadhiga kaga jaray maxjarka Abu-yaasir 31kii, Oct, 2010, kuna caddeeyay inaan dalku qaadi Karin laba maxjar oo laba maamul kala leh.

Wasiir Oday waxa kale oo uu munaasibadaas kaga hadlay doorka maxjarka Al-jaabiri ka qaatay kobcinta dhaqaalaha Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Maxjarkii hore ee Al-jaabiri jiray door wayn buu ka soo qaatay dhaqaalaha Somaliland. Waad ogtihiin oo markii Cabdiraxmaan Awal Bari (ganacsade xoolaha dhoofiya) iminka lahaa waxaan ahaa nin kooto diid loo xidhay, waxa lagu yidhi adhigu inta uu Hargeysa, Berbera iyo Burco ka soo dhaadhaco ayuun buu toos Jabuuti u tagayaa, nin keliya ayuun baana iibsan kara. Tii waa la baabiiyey, haddana waxa la yidhi maxjarka qoladii markii hore ayuun baa leh. Anigu markii aan meesha imi su’aalihii ugu badnaa ee aan waydiiyey ganacsatada kooto-diidka waxa ka mid ahaa, waar anigu marka horeba mucaarad baan ahaa oo Jaabiri maan doonayne haddii aan iminka joojiyo xoolaheenii wax ma yeelaysaa moosinka xajka? Haa baa la yidhi.”

la soco qaybaha danbe oo aanu ku soo qaadan doono dagaalladii uu Ganacsade Abu-yaasir ugu badheedhay inuu ka fidiyo xoolaha Somaliland, tallaabooyinkii u danbeeyay ee uu ku soo beegay moosinka xajka oo xoolihii ugu badnaa ka dhoofayaan Berbera, sirta ku duugan qorshayaal cusub oo uu la maaganyahay inuu kula wareego gacan-ku-haynta labada maxjar, isagoo addeegsanaya dhaqaale fara badan iyo saammayn ay Somaliland ku yeelan doonto.

Berberanews staff writers

Email, info@berberanews.com