Addis Ababa, 05 November, 2011 (Ogaal)- Madaxweynihii dawladda Ismaamulka Soomaalida Killalka 5-aad ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa la sheegay in xilkii Madaxweynenimo laga xayuubiyey, ka dib markii ay Maxkamadda Jigjiga ee maamulkiisu Khamiistii dorraad xukunno Xabsi-daa’in, 15 illaa iyo 20 sano isugu jira ku ridday 55 Oday oo ka mid ah Beesha Arab oo dhawaan dagaal ku dhex-maray deegaano ka tirsan Killalka 5-aad Beesha uu Madaxweynahaasi ka soo jeeday.
Dawladda dhexe ee Fadaraalka Itoobiya, ayaa la sheegay inay xilka ka qaadday Madaxweynihii killalka shanaad, kaasoo ay wararka laga helayo magaalooyinka Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya iyo magaalada Jigjiga ee xarunt Ismaamulka Soomaalida Killalka 5-aad, ayaa sheegaya in Madaxweynihii Kilkaas Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi-Ilay) toddobaadkan la filayo in xilka qaadistiisa la horkeeno Baarlamanka dawlad-goboleedka Soomaalida Itoobiya.
Wararka tibaaxaya xil-ka qaadista Madaxweynihii killalka shanaad ayaa soo baxay, ka dib markii Maamulka Killalka Shanaad bilaabay kala soocid dhinaca isirka ah, isla markaana 55 qof oo Odayaal u badan, Darawaliinina wehelisay iyo 15 Baabuur oo ay wateen oo ay dhawaan Ciidammada loo yaqaanno Booliska cusub (New Police) ee Killalka 5-aad ka kaxaysteen deegaannada ay degto Beesha Arab ee dhinaca Itoobiya, dadkaas oo isugu jira Nabad-doonno, Beeralay iyo Darawaliil, ayey Khamiistii oo ku beegnayd saddexdii bishan Maxkamadda magaalada Jigjiga ee maamulka killalka 5-aad ku ridday xukun isugu jira inta u dhaxaysa 15 sano illaa xabsi-daa’in. Waxa dadkaa la xukumay Ismaamulka killalka 5-aad ku eedeeyey inay yihiin Argagixiso.
Xukunkaas oo ku yimi qaab sharci-darro ah iyo dembi u samayn ayaa hadal hayntiisu aad ugu badan tahay Killilka shanaad ee Itoobiya iyo dalka Somaliland-ba, waxaana muuqata in si weyn looga cadhooday xukunkaasi maaddaama oo dadka dagaalku dhex-maray ahaayeen laba beelood oo wada dega Killalka 5-aad, hase ahaatee, waxa loo arkaa dadkaa la xukumay in magacii dawladnimo loo adeegsaday. Waxaanay beesha Arab ka mid tahay beelaha labada Dal ee Killalka Shanaad ee Itoobiya iyo Somalilandba deegaanka rasmiga ah ku ah.
Ehalada dadka lixdanka ku dhaw ee la xukumay ayaa Jimcihii shalay isugu soo bax ay ku muujinayaan xukunka caddaalad-darrada ah ee Maamulka killalka shanaad ku fuliyey dadkooda ka sameeyey magaalada Hargeysa. Isu soo baxaas oo ahaa mid nabadeed ayay dadku kula hadlayeen Xukuumadaha Ethiopia iyo Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa toddobaadkii inna dhaafay daba-yaaqadiisii safar ku sii maray magaalada Addiis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay Masuuliyiinta sarsare ee dawladda Itoobiya, isla markaana la sheegay inay arrinta xallinta colaadda deegaannada Dacawalay, Yoocaale iyo Abbokor-Axmed ku dhexmartay labada beelood la soo afjaro, isla markaana la sii-daayo Odayaasha Nabad-doonnada, Darawaliinta iyo Beeralayda isugu jira oo markaa ku xidhnaa Jigjiga.
“Madaxweynaha Somaliland arrinta colaadda iyo siiddeynta Odayaasha-ba wuu kala sii hadlay Masuuliyiinta sarsare ee dawladda Fadaraalka Itoobiya, waxna way isla meel-dhigeen, balse xukunkani waa mid maamulka Killalka shanaad.” Sidaa waxa Wargeyska Ogaal u sheegay xalay masuul ka tirsan dawladda Somaliland oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo. Waxaanu intaa sii raaciyey; “Waxaanan filayaa in wadahadalkaas Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda dawladda Itoobiya ka mid yahay waxyaabaha soo dedejiyey xilka qaadista la sheegayo in lagu sameeyey Madaxweynihii Killalka 5-aad oo si badheedh ah isagu u caddaystay inuu taageerayo oo uu la socdo Beeshiisa, halkii uu kala qaboojin lahaa labada beelood ee uu Madaxweynaha u wada ahaa…”
Xigasho Ogaal.