Ceerigaabo: Saddex askari oo ku naf-waayay markii koox dablay ahi weerareen wefti wasiirro ah

Ceerigaabo, (Berberanews)- Inta la ogyahay 3(saddex) askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta dhimatay kadib markuu iska horimaad ku dhexmaray gudaha magaalada Ceerigaabo Ciidanka qaranka iyo koox maleeshiyo ah oo sida la sheegay doonayey in ay afduubaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo isaga iyo xubno kale oo kamid ah Xukuumada Somalilnd dhowr maalmood ka hor halkaas(Ceerigaabo) u tageen xalinta shaqaaqo dhexmartay laba kamid ah Beelaha wada dega Gobolka Sanaag. sidoo kalena waxay dhaawacyo soo gaadheen lix qof oo rayid ah

Lama hayo ilaa hada warar madaxbanaan oo sheegaya sababta rasmiga ah ee keliftay isku dhacan keenay dhimashada ee dhexmaray ciidanka iyo kooxda maleeshiyada ah, iyo khasaaraha dhabta ahi inta uu le’egyahay, hase yeeshee Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa isagu sheegay in dhinaca Ciidanka Qaranka ay ka dhinteen Saddex Askari oo ka mid ah Ciidamada Magaalada Ceerigaabo u jooga Sugida Amaanka, Wasiir oo waqtigan ku sugan Xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa waxa kaloo uu sheegay in Dagaalkani yimi kadib markay koox Maleeshiyo ah oo hubaysani soo weerareen guriga ay Magaalada Ceerigaabo ka degan yihiin Xubnaha Wasiirada ah iyagoo ujeedadooduna ahayd in ay afduubaan Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo ay isku hayb yihiin Kooxda Ciidan beeleedka ah waa sida uu hadalkiisa u dhigay eh, Wasiirka Arimaha Guduhu waxa kale oo uu sheegay in ay Ciidanka qaranku gacanta ku dhigeen Afar kamid ah Maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha, War-faafinta iyo arrimaha bulshada, ayaa doraad gaadhay magaalada Ceerigaabo, ka dib markii isku dhac dhexmaray laba beelood oo wada dega Ceerigaabo ay dirir colaadeed oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba, kuwaasoo safarkoodu salka ku hayo sidii loo damin lahaa collaada, balse xaaladu way ka sii dartay sidii hore.

Berberanews.com

Ceerigabo