Ma Dhabbaa Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Ibraahim Dhegaweyne inay si Wadajir ah u Furanaayan Urur-siyaasdeed

Hargeysa (Berberanews)- Mujaahidiinta Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo ka mid ah hal-doorka magaca ku leh Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay ugu dhawaaqi lahaayeen urur-siyaasadeed cusub oo ka qaybqaata doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda.

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo waxa ka jira arrintaas, wax uu sheegay inay ku gudo jiraan sidii ay ugu dhawaaqi lahaayeen urur-siyaasadeed la tartama ururrada cusub iyo saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan, isagoo xusay in aannu si cad uga jawaabayn hadda su’aasha la xidhiidha in isaga iyo Muj. Dhagaweyne wada furanayaan urur-siyaasadeed cusub.

“Waxa dadku yidhaahdaan ama meelo lagu qoro waxna way ka jiri karaan, waxna kama jiri karaan, laakiin su’aashaadaasi waa mid waqtigii loo baahnaa ka soo hormartay, markaa haa iyo maya kuma odhan karo, laakiin markay habboonaato waannu ka hadli doonaa, waanan idiin yeedhi doonaa (saxaafadda),” ayuu si kooban u yidhi Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Sidoo kale, Muj. Ibraahim Dhegaweyne oo isna aanu isku daynay in aannu kala xidhiidhno arrintan ayaanay noo suurtogelin in aannu khadka telefoonka ku helno.

Haseyeeshee, sida lagu baahiyey xalay shabakadda wararka Gabileynews.net, waxa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doono urur-siyaasadeed cusub ay wadajir u aasaasayaan siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Ibraahim Dhegaweyne oo muddooyinkii u dambeeyey si weyn loogu dhegtaagayey mawqifkooda siyaasadeed iyo halka ay sallaanka siyaasadda ka fuuli doonaan marxaladda waqtigan ee lagu fasaxay furashada ururro siyaasadeed. Inkastoo Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne) iyo siyaasiyiin kale hore ugu jireen urur-siyaasadeedka UDHIS, kaas oo aan ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin, lana garanayn halka uu ku dambeeyey.

Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo hore u soo qabtay xilka madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo Ibraahim Dhegaweyne oo ka mid ah ragga taariikhda ku leh dalka oo ay wehelinayaan siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kale, ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin urur-siyaasadeedka cusub ee la sheegay inay ku dhawaaqayaan, kaasi oo hadda lagu guddo jiro baadhista magacii loo bixin lahaa ururkooda.

Dhinaca kale, Mujaahid Maxamed Ibraahim Xuseen (Dhagaweyne) ayaa tan iyo markii uu ka soo laabtay socdaal uu badhtamihii sannadkan ku tegay dalka Ingiriiska waxay dad badan ka war-dhawrayeen inuu urur siyaasadeedkii hore ee UDHIS dib boodhka uga jafi doono, waqtigaasi oo ku beegnaa markii labada gole baarlamanka ansixiyeen xeerka furashada ururrada siyaasadda, balse tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyey arag saaxadda siyaasadda Somaliland, waxaanay dadweynuhu is weydiinayaan sababaha keenay inuu urur-siyaasadeedkiisu dhoollatusyada siyaasadeed uga muquurtay, maadaama UDHIS jiray

Geesta kale, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan ummadaha muslimiinta ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidda Carrafo oo ku beegan Axadda maanta, isagoo dadweynaha Somaliland iyo guud ahaan shucuubta islaamkana Ilaahay uga baryey inuu ciiddan teeda kale ku gaadhsiiyo bashbash, barwaaqo iyo caafimaad qab.

 

Xigasho Jamhuuriya