Qaraxyo dad ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka Gaarisa ee Waqooyi-bari Kenya

Kenya-(Berberanews)- Inta la ogyahay laba qof, ayaa ku naf waayay, saddexna way ku dhaawacmeen qarax  xalay lala beegsaday degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

“Waxaan maqalnay qarax weyn, waxaanaan aragnay iftiin badan, waxaan aadnay goobta ay wax ka dhaceen waxaanan ku arkay laba qof oo dhintay iyo dhiig badan oo dhulka daadsan,” sidaa waxa Cabdiraxmaan Yuusuf oo ka mid ah dadka ku nool degmada Gaarisa oo u warammayay wakaallada wararka Reuters.

Qaraxan khasaaraha nafeed sababay oo loo adeegsaday miino waxa ka horeeyay qarax aan cidna wax ku noqon oo saacado u dhexeeyeen qaraxan danbe xerada Xagar-dheere,  waxaanay Saraakiisha  Kenya ku eedeeyay weerarkan Xarakada Al-shabaab oo dagaal ay kula jiraan ciidammada dalka Kenya oo saddexdii todobaad ee u danbeeyay ku sugnaa gudaha dalka Somalia.

Tan iyo intii ciidammada dalka Kenya gudaha u galeen dalka Kenya waxa isa soo tarayay qaraxyo kooxda Al-shabaab ka fulisay gudaha Kenya, iyagoo wacad ku maray inay dagaal adag ku qaadayaan Kenya.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com