Wasiirka Arrimaha Guddaha oo Ciidamada Qaranka Amar Ku Siiyay Inay Inay Toogtaan Qofkii Rayid Ah ee Lagu Qabto Isagoo Qori Sita

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle (Duur), ayaa sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan cidii waxyeesha nabadgelyada gobolka Sanaag, waxaanu amar ku siiyay ciidamada qaranka inay toogtaan qofkii rayid ah ee lagu qabto isagoo sita qori. Wasiirka arrimaa gudduhu waaxa uu  sidaas ku sheegay mar uu weftigii uu Hogaaminayay ay saaka salaadii Ciidul Adxa kala qeyb galeen kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo fagaaraha beerta xoriyada ee magaaladaasi.
Isga oo arrimahaas ka hadlaya, wax uu yidhi “Waa been dadka leh inamo yar yar ayaa dagaalamaya oo nabadgelyo darada wada inamada yar yari samada kamay iman waxna may sameeyeen haddii aanay odayaasha iyo siyaasiyiintu kula socon oo aanay qurbo joogu lacagta u soo dirayn. Haddii la leeyahay qoriga dhig oo nabadda ogoloow walaahi inaanay tallaabo qaadeen,”

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu adag u dhaliilay waxgaradka reer Ceerigaabo waxaanu yidhi “Reer Ceerigaaboow is weydiiya waayeel iyo waxgarad kamaydaan dhergin dhiigii, colaadiina kamaydaan dhergin oo hunguri ayaa idinkaga jira. Waxaad ku habsaanteen afar beelood baanu nahay waxaanu xukuumad ahaan idin leeyahay quluubtiina isku fura oo walaalooba.”

Isga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yisdhi “Reer Ceerigaaboow qayrkiin wax bay barteen oo qalin bay sitaan idinkuna qori baad sidataan, qayrkiin jaamacado ayay ka baxeen idin gidaarada ayaad fadhidaan idinka ayay ayaan darraddu idin haysataa waxaad kabaha u baalashayndoontaan inamada jaamacadaha ka baxay ee digriiyada sare qaatay. Tashada reer Ceerigaaboow wanaaga iyo walaalnimadu dhexdiina ayay ku jirtaa cidina dhakada idinkaga keeni mayso waxaan idinku dardaarayaa nabadda ka shaqeeya.”