Khasaaraha ka dhashay Weerar ay Ciidammo Itoobiyaani ku soo qaadeen Balli-dhiig

Balli-dhiig-(Berberanews)- Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Rabshaddo ka dhacay degmada Balli-dhiig ee gobolka Togdheer oo ku taalla xadka Somaliland iyo Ethiopia, ka dib markii ay Ciidammo Itoobiyaan ahi ay saaka soo weerareen magaaladaas oo ay damceen inay ka xakeystaan macalimiin.

Wararka ka imanaya degmada Bali-Dhiig oo ka taalla xadka Somaliland iyo Ethiopia ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay iska horimaad hubeysan kaddib markii ciidamo Ethiopian ah oo xadka ka soo talaabay ay isku dayeen inay degmadaasi ka kaxeystaan dhowr macallin oo wax ka dhiga madarasad iyo machad halkaasi ku yaalla.

Dadka deggan degmada Bali-Dhiig ayaa iyagu iska difaacaym, isla markaana difaac hubaysan kala hortagay ciidamada Ethiopia ee doonayay inay kaxaystaan macalimiinta. Wararka ayaa sheegaya inay jirto dhaawac rabshaddahan ka dhashay. sida ay dad goob-joogayaal ahi u sheegeen Berberanews, illaa laba askari oo ka tirsan Ciidammada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa ku dhintay , saddex Askarina way ku  dhaawacmeen, hase ahaatee, waxay intaa ku dareen inaanay dadka deegaanka ee iska caabiyey ciidammada Itoobiya aanay wax khasaare ahi ka soo gaadhin dhacdadaas.

Sidoo kale,  Guddoomiyaha Degmada Balli-dhiig Cali Faarax oo ku sugan magaalada Burco, ayaa Idaacadda VOA wax ka weydiisay waxa uu ka ogyahay dagaalkii saaka ka dhacay Balli-dhiig waxa uu yidhi,  “Anigu waxaan joogaa Burco, waxaana lay sheegay in laba baabuur oo ay leeyihiin ciidanka Killalka shanaad ee Eithiopia ay subaxnimmadii soo galeen magaalada; mid ka mid ah labada baabuur wuxuu weeraray goob machad wax lagu barto, halka gaadhigii kale iyo ciidankii watay hareereen masaajid ku yaal koonfurta magaalada oo uu ku suganyahah wadaad wax ka dhiga machadka, halkaasoo ay baadhitaan ku sammeeyeen, aniguna ma garan kar wax laga baadhayay.”

Guddoomiyaha degmada oo ka jaawabayay su’aal ku saabsanayd jiritaanka macalimiin machadka wax ka dhigayay oo ciidankaasi kaxaysteen, ayaa ku jawaabay oo yidhi, “Maya, sida aan wararka ku hayo meeshaas cid laga kaxaystay iyo cid lala baxay toona ma jirto.

Lixdii Bishii October 2011, ayey ahayd markii ay Ciidammo ka tirsan Ethiopia, gaar ahaan Ismaamulka Somaalida killalka shanaad ay degmadaasi ka kaxeysteen illaa lix Sheekh oo Tabliiqiyiin ah, kuwaasoo illaa hadda aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

tallaabadan ay markii labaad Ciidammada dawladda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ku soo wareerareen degmada Balli-dhiig ee ay xadka kaga soo tallaabeen ayaa ka hor imanaysa heshiis ay dawladaha Somaliland iyo Itoobiya kala sexeexdeen sagaalkii bishii July 2011, kaasoo dhigayey inay labada dawladood ka wada shaqeeyaan adkaynta ammaanka, isla markaana dhinacba dhinaca kale wixii ka gala isaga oo aan tallaabin kala xidhiidho madaxda dawladda.

Dawladda Somaliland ayaan iyadu illaa haddan arrintan ka hadal, lamana garanayo sababta ay Somaliland uga aammusan tahay Itoobiya oo dadkii ay masuulka ka ahayd maalin magaalo raxan ka qafaalanaysa.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.