Ceerigaabo 07 Nov 2011 (Berberanews)- Xaaladda magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa maanta nabad ah kadib markii shalay uu ka dhacay dagaal dhexmaray ciidanka qaranka iyo maleeshiyo beeleed, kaas oo ay ku dhinteen 3 qof ilaa 11 kalena ku dhaawacmeen.
Magaalada ayaa degan waxaanna ku sugan jidadka ciidan xooggan oo isugu jira millateri iyo kuwa booliska, manay jirin wax saansaan colaadeed leh, isla markaana dhaqdhaqaaqyada dadweynaha iyo nolosha ayaa caadi ku soo noqday.
Waxa xabsiga la dhigay maxaabiis tiradoodu tahay ilaa tobaneeyo qof oo ka mid ah kooxdii maleeshiyada ahayd ee shalay weerarka ku qaaday Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo u socday kulan ay u ballansanaayeen odayaasha beesha Koonfurta magaalada Ceerigaabo, waxa kale oo jira khasaare hantiyeed oo soo gaadhay guryo dad rayid ahi leeyihiin.
Dhinaca kale, waxa maanta kulan dhexmaray wasiirada xukuumadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ceerigaabo u tagay colaada halkaasi ka taagan iyo madaxdhaqameedka beesha Koonfurta magaalada, kaas oo ay kaga wadahadleen xallinta colaada taagan.
Inkasta oo aan war sugan laga hayn kulankaasi, haddana sida wararku sheegayaan waxa la iskula qaatay in nabadgelyada la xoojiyo.