Qaddiyadda Nuclearka Iran oo cirka isku shareertay, Cabsida Reer Galbeedka, Israel oo ku hanjabtay weerar, Ruushka oo ka digay iyo filshada warbixinta Hay’adda IAEA ee todobaadkan

Washington-(W/wararka/Berberanews)- Ururka Qaramadda Midoobay u qaabilsan Hubka atoomikadda (IAEA), ayaa la filayaa inay todobaadkan soo bandhigto warbixin faahfaahsan oo ku saabsan  Nuclearka Iran.

Waxa soo baxaya xoggo iyo macluumaad ka horumaray warbixinta la dhawrayo oo ka soo baxay dalalka reer Galbeedka oo cabsi weyn iyo wallaac ka muujiyay farsammada Nuclearka Iran, halka dawladda Israel ay sheegtay inay weerari doonto Iran.

“Haa, waxaannu haysanaa awood Milateri oo ka duwan dalkasta oo gobolka ku yaal. Iran waxay sii horumarinaysaa awoodeeda iyo horumarkeeda, sidaa daraadeed waxaannu awoodna inaanu loolanno Israel iyo reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka..”sidaa waxa laga soo xigtay Madaxweynaha Iran Ahmadinejad.

 

Cabsida reer Galbeedka

Warbixin lagu baahiyay shebekadda wargeyska Washington post, ayaa soo xigatay saraakiil reer galbeed ah inay heleen xogo sii kordhiyay cabsida inay Iran horumar ka sammaysay warbixintii laga hayay hubkeeda Nuclearka ah ee laga soo saaray 2003.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan hay’addaha sirdoonka Maraykanku waxay Iran oo taageero ka heshay khubaro shisheeye waxay ka gudubtay caqabad ka haysatay sammaynta hubka Nuclearka ah oo heshay mid ka mid ah farsammada lagu abuuri karo aalad qaraxda ee Bomka Nuclearka.

Hanjabaadda Israel

Madaxweynaha Israel Shimon Peres, ayaa axaddii todobaadkan ku hanjabay in qarka loo saaranyahay weerar  Milateri oo dalkiisu ku qaado Jamhuuriyadda kacaanka Iran  yahay mid aad iyo aad loo filayo.

Raysal-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka difaaca Ehud Barak, ayaa la sheegay inay dedaal ugu jiraan sidii Golaha Israel u meel-marin lahaa weerar Milateri oo lagu qaado Iran.

Jawaabta Ruushka

Wasiirka Arrimaha Debeda Ruushka Sergei Lavrov waxa uu ka digay cawaaqibka ka dhalan karta  tallaabo kasta oo milateri oo Iran  lagaga soo horjeedo barnaamijkeeda Nuclearka oo uu ku tilmaamay qalad weyn oo aan la saadaalin Karin khatarka ka dhalan doonta.

“Farogelinta milateri keliya waxay horsed u noqotaa kor u kaca khasaare kala duwan oo nafeed iyo mid maal” sidaa waxa yidhi Sergei Lavrov, waxaannu intaa ku daray inaan tallaabo Milateri xal u noqon doonin qadiyadda Nuclearka Iran.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyay in Israel dib u cusboonaysiisay  luuqadeedii gardarada ahayd ee ay kaga soo horjeeday Iran.

Dawladda Iran waxay ku celcelisaa xaqqa ay u leedahay horumar inay horumar ka sammayso oo ay hesho farsammada Awooda Nuclearka ee sida nabadgelyada ah, haseyeeshee dalalka Reer galbeedka, ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u saaran inay kala daadiyaan farsamadda Nuclearka Iran oo ay u arkaan mid Iran siyaabo Milateri u adeegsan karto.

Berberanews.com

Email, info@Berberanews