Dhakhtarkii Michael Jackson oo affar sanno lagu xukumay ka dib markii lagu helay inuu fannaanka dilay

Washington-(Berberanews)- Dhakharrkii gaarka ahaa ee fannaankii caanka ahaa Michael Jackson, ayay maxkammad ku taal Los angeles affar sanno oo xadhiga ku riday, ka dib markii lagu helay dembi ah inuu sabab u ahaa geerida fannaanka.

Dr. Conrad Murray, oo ahaa dhakhtarka gaarka ah ee Michael Jackson, ayaa axaddii lagu helay dembi ah inuu si aan ula kac ahayn uga danbeeyay dilka fannaanka, taasoo ka dhalatay dacwad lix todobaad socotay oo xammaasad gelisay dadka dunida dacaladeed ku nool ee sida weyn u taageera fannaankii Mchael Jackson.

Dr Conrad Murray, oo da’diisu tahay 58 jir, waxa lagu helay inuu si kama uga danbeeyay dilka, ka dib markii Guddida garsoorku caddeeyeen in qaab dembi ah loo dayacay dawaynta Fannaanka, taasoo u horseedi doonta Dr. Murray inuu waayo shahaadadiisa caafimaad, inkastoo aanu wax dareen ah ka bixin markii dembiga lagu helay.

Fannaankii caanka ahaa ee dadka fanka xiiseeyaa sida weyn uga daba-dhaceen, ayaa 25kii Jube, 2009 ku geeriyooday guri kiro ah oo ku yaallalay magaalada Los angeles ee dalka Maraykanka, halkaasoo uu dhakhtarkiisii gaarka ahaa uu kaga dawaynayay hurdo la’aan iyo daal joogto ah.

Xeer ilaalinta dacwadda soo oogay waxay ku doodeen in Dr. Muray si nacasimmo lah uga caga-jiiday sidii uu Michael Jackson uga caawin lahaa maamulida dawada si uu u seexda. Haseyeeshee Garyaqaanka difaacayay Dr. Muray waxa uu ku andacooday inuu Jackson cunay deraasiin dawooyin ah oo u horseeday geerida.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com