Gaalkacayo-(Berberanews)- Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Maamul-gobolleedka Puntland, Farxaan Cali Xaad ayaa maanta dirqi kaga badbaaday qarax miino dhulka hoostiisa lagu aasay, waxaanna ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Guddoomiye-ku-xigeenka oo wata gaadhigiisa oo ay weheliyaan ilaaladiisa gaarka ah, ayaa saaka markii uu ka soo baxay gurigiisa, isagoo ku sii jeeda xafiiskiisa waxa haleeshay miino dhulka hoostiisa lagu aasay xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkacayo, halkaasoo uu ku gebi ahaanba ku burburay gaadhigii uu saarnaa, balse uu isagu ka badbaaday.
Ma jiro war faahfaahsan oo maamulka Puntland ka so saaray qaraxan lala beegsaday, haseyeeshee magaalada Gaalkacayo waxay hoy u ahayd falalka qaraxyada, dilalka qorshaysan eel ala beegsanayo cullimadda, ganacsatada, masuulliyiinta, iyo nabadgelyo daro, taasoo ay u danbaysay qarax bishii hore uu ka badbaaday Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Maamul-gobolleedka taagta daran ee Puntland, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay Ciidammada AMISOM geyn doonaan magaalooyinka si ay amniga u sugaan, haseyeeshee dadweynaha reer Puntland, ayaa go’aankaas dareen diidmo ah ku qaabilay.
Berberanews.com
Email, info@berberanews.com