Golaha Guurtida Somaliland oo baaqnabadeed ka soo saaray Dilalkii aanooyinka Ceerigaabo

Hargeysa(Berberanews)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta soo saaray baaq nabadeed ay u direen dilalkii ka dhashay aanooyinka qaar ka mid ah dadka wada degan Ceerigaabo ee dagaalku dhexmaray, kaasoo markii danbena sababay in dabley ka mid ah dhinacyada xurguftu dhexmartay ay doraad weerar gaadmo ah ku dileen saddex askari oo ka mid ah ciidammada qaranka oo la socday Wasiirka Warfaafunta iyo Taliyaha Ciidanka asluubta.

Baaqu waxa uu dadweynaha wada dega Ceerigaabo u soo jeediyay inay soo celiyaan wanaagii iyo qaabka nabadgelyo ku xaliyaan xurgufta taagan, baaqaas oo ay soo saareen shir-guddoonka Guurtidu wuxuu u dhignaa sidan;  “Golaha Guurtida Somaliland fadhi uu yeeshay maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 08/11/2011 wuxuu go’aamiyay inuu baaq nabadgelyo goluhu u diro Beelaha walaalaha ah ee xarguftu ku dhex martay gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo:-
1- Marka hore goluhu isagoo ka xun waxa uu tacsi u dirayaa qoysaskii waxyeeladdu ka soo gaadhay dhacdadaasi, inta dhimatayna ALLE ha u naxariisto, inta dhaawacantayna ALLE ha caafimaadiyo.
2- Dadweynaha deegaanka Ceerigaabo ama gobolka Sanaagba Golaha Guurtidu wuxuu baaq nabadgelyo ah u dirayaa dadka walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay magaalada Ceerigaabo, waxaanay ku adkaynayaan inay soo celiyaan wanaagii lagu yaqaanay ee ay ku dhamaysan jireen arrimahooda dhinaca Nabadgelyada.
3- Labadan beelood ee shaqaaqadu hore ugu dhex martay deegaankaasina waxay Golaha Guurtidu ka codsanayaan baaqna ugu jeedinayaan inay hawlaha ammaanka iyo xasiloonida lagu adkaynayo ay ka qeyb qaataan, gogasha nabaddana ay soo fadhiistaan wixii tabasho ah ee jirtana lagu dhammeeyo wada hadal iyo is afgarad.
Ugu dambayntii waxaanu ILAAHAY uga rajaynaynaa inuu ALLE arrintaasi inoo fududeeyo, dadkaasi walaalaha ah ee dirirtu dhex martayna ALLE baggoodda burcad isku mariyo.”

 

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com