Jaamacadda Carabta oo doonaysa inay qayb ka noqoto go’aan ka gaadhista halka ay ku xidhanayso Doonnida Ciir-ciirka badan ee ay 20-ka sano Soomaaliya saaran tahay

Qaahira-(Berberanews)- Wakiilka Jaamacadda Carabta u qaabbilsan Soomaaliya Amb,Maxamed Cabdullaahi Idris, ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carbeed Dr. Nabil Al-Carabi uu dhowaan booqasho ku tagi doono Soomaaliya.

Idris oo u waramayay Wargeys ka soo baxa Qahira oo la yidhaahdo Al- Ahram ayaa yidhi; “Soomaaliya waxay mareysaa xaalad adag, annagu waxaan qaylo-dhaan u dirney dhammaan dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda iyo ururrada Carbeed si ay kaalmo ula soo gaadhaan Somaliya oo abaar ba’ani ka jirto.’’

Waxa uu amaaney Amb,Maxamed Idris dalalka iyo ururrada qaylo-dhaanta kasoo jawaabey ee Somaliya soo gaadhsiiyey gurmadkii abaaraha , waxaanu rejo wanaagsan ka muujiyey mustaqbalka inay sii socon doonto kaalamada Carbeed ee Soomaaliya.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal la weydiiyey oo ahayd in booqashada Al carabi ee Muqdisho la socto hindise nabadeed oo ay Jaamacada Carbeed wado ayuu yidhi; ‘’Waxaan dhawr jeer baaqyo u dirney Al-shabaab, horre-na waxaanu isugu geyney dhinacyadii siyaasaedda Soomaaliya isku hayey 2006 magaalada Khartoum ee Sudan.”

Hase ahaatee, Xasillooni iyo nabad waarta oo ka dhalata dalka ayaanu meesha ka saarin Safiirka Jaamacadda Carbeed ee Soomaaliya. “Soomaaliya waa dawlad qani ah dadkeeda iyo ila-heeda dhaqaaleba, waxaana ka dhacay 20-kii sano ee lasoo dhaafey haddii ay ka dhici lahaayeen dalalka adduunka ugu waaweyn waa ay burburi lahayen, balse Soomaaliya waa ay soo taagan tahay weli. Waxaasi waa sida ay isku gacan-qabsanayaan,waxayna u baahanayihiin gacan qabashada walalahood si ay uga soo kabtaan khasaarihii gaadhay labaatankaa sano ee dawlad la’aanta iyo dagaallada ay ku jireen.’’ ayuu yidhi Idris.

Ururka Jaamacadda Carbta oo dhowaanahan maqana-jooge ka ahaa masraxa siyaasadda Soomaaliya ayaa haatan u muuqda mid isku deyaya inuu lug ku yeesho go’aannada ku saabsan meesha ay ku xidhanayso Doonnida ciir-ciirka badan ee ay Soomaaliya saaran tahay muddada labaatanka sano ah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.