Boorame-(Berberanews)- Maamulka iyo Shacabka reer Dila oo Cambaareeyey Qurba-joogga la Baxay Awdal State Dila 08 Nov 2011 (SNN)- Maamulka, madaxdhaqameedka iyo waxgaradka degmada Dila ee gobolka Awdal, ayaa si wadajir ah u cambaareeyey kooxda qurba-joogga la baxay Awdal State, kuwaas oo ka soo horjeeda madaxbannaanida Somaliland.
Shacabka reer Dila waxay qurba-jooggaasi ku tilmaameen koox dibada wareeg ah oo aan gebi ahaanba metelin degaannada ay ka soo jeedaan, balse ay ka soo horjeedaan qaranimada Somaliland.
War-murtiyeed ay ku saxeexan yihiin 21 xubnood oo isugu jira masuuliyiin, salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda degmada Dila oo loogu talogalay warbaahinta, waxa uu u qornaa sidan;
“Aniga oo ah maamulka degmada Dila, salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo dhallinyarada degmada Dila waxaan halkan ka caddaynayaa in bulshada reer Dili aad iyo aad uga xun tahay isla markaana ka soo horjeedo kooxda calooshooda u shaqaystayaasha ah ee ku adeeganaya magaca beesha iyo kan gobolkaba ee ku dhawaaqday waxay ugu yeedheen Awdal State taas oo lidi ku ah qaranimada Somaliland isla markaana ka abuuri karta kalsooni-darro beelaha Somaliland iyo xukuumadooda, taas oo haddii ay u socoto sida loo dhigay dhaawacaysa nabadgalyada gobolka Awdal.
Warsaxaafadeedkan ka soo baxay maamulka degmada dila ayaa waxa ku saxeexnaa
1. Ibraahin Cabdi Xaaji gudoomiyaha degmada Dila
2. C/salaan Xaaji Xirsi gudoomiyaha maxkamada degmada Dila
3. C/laahi MaxamedXuseen G/ku-xigeenka degmada Dila
4. Carab C/laa Obsiiye xoghayaha fulinta degmada Dila
5. Bashiir Cumar Maydhane taliyaha saldhiga degmada Dila
6. Cabd Xaamud Sheekh kaaliyaha maxkamada degmada Dila
7. Suldaan Nuur Axmed Jibriil
8. Caaqil Muuse Axmed Xasan
9. Caaqil Cismaan Xirsi Mixile (Hirad)
10. Caaqil Siciid Ismaaciil Xaaji
11. Caaqil Daahir Xuseen Sheekh
12. Caaqil Cabdi Axmed Shirdoon
13. Caaqil Cali Ibraahin Maxamed
14. Cali Muuse Warsame
15. C/xakiin Dagaal Madar
16. C/shakuur Aw Cali C/laahi
17. Farxaan Faarax Xasan
18. Shucayb Aadan Xuseen
19. C/qani C/laahi Boqore
20. Maxamed Axmed Bade
21. Axmed Yuusuf Aadan.