Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo xaal ka bixiyay weedho Marwadii Marxuum Cigaal kaga Cabatay Masuulliyiinta UDUB ee xilka ka degay

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasin, ayaa sheegay inuu xaal ka bixinayo hadallo  garnaqsi ah iyo cabasho oo Marwada Madaxweynihii hore ee Somaliland Kaltuun Xaaji Daahir ka jeedisay shirweynihii Xisbiga UDUB ee 31-kii October ka dhacay Hargeysa, oo ay ku sheegtay in aan UDUB gudin abaalkeedii, balse Madaxweynihii hore Daahir Rayaale iyo Xaaskiisu la galeen dagaal iyada ka dhan ah, islamarkaana madaxshii shirweynaha kaga dhawaaqday inay xaq u leedahay in lagu wareejiyo talada UDUB.

 

 “Waxaan filayaa maalintii ILAAHAY ha u naxariistee uu Marxuum-Maxamed Ibraahim Cigaal ka furay shirweynihii aasaaska UDUB aqalka shaqaalaha waxa ka soo wareegtay toban sanadood, intaasi ka dib la iguma arag saaxad ay UDUB leedahay si ay u dhacdayba. Waxa la yidhi Madaxweyne ayaa la sii dhaariyay oo Marxuum- Cigaal ku sii dardaarmay oo uu yidhi waxaan kaga sii tagay Daahir Rayaale, markii aanu maydkii Marxuumka keenay ee la aasay wixiiba waa la iloobay oo daaqada ayaa laga tuuray, maanta waan garnaqsanayaa nin ka naxa iyo nin ku farxowba. Madaxweynihii dalka loo dhaariyay dagaalkii aniga ayuu ka bilaabay,”sidaas waxa tidhi Marwo Kaltuun oo hadal-garnaqsi ka jeedisay madashii shirweynaha UDUB.

 

Haseyeeshee Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Waaheen waxa uu ku sheegay inuu xaal ka bixinayo hadalkii Marwo Kaltuun oo uu u dirayo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa, “Cabashadaa anigu xaal ayaan ka bixinayaa mar-labaad haddii aanu nahay qolada Saaxil haddii aanu iskala qaadno, marwaduna xaal ayay bixisay , laakiin xaalkeedii waxba lagama soo qaadin ee intii hore ayuun-baa la tooxsaday.

Waxa la soo qaaday Madaxwaynihii hore iyo Marwadiisii, anigu intaan ogaana Marwadii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal arinkeeda waxa lagu galay musdawe qaran-nimo oo Cabdi-Waraabe, Suldaan Cabdiraxmaan Alle ha u naxariistee, Cabdi-samad iyo hormuudkii beesha Ciise-Muuse ayaa arinkeeda meel fiican galay, haddii aan soo qaadana dhul waa la siiyay, $ 70,000 oo doolar-na waala siiyay, bishiina waxaan siin jirnay $ 1000 doolar, laakiin waxa fiicnaan lahayd haddii ay jirto cabasho kale inay aniga ii sheegto oo arinkaa si hoose loo dhameeyo, laakiin iyadu xaal ayay ka bixisay oo waatii la ogaa, aniguna waxaan bixinayaa xaalkii beesha, oo masuuliyiintii qaranka ee la soo qaaday iyo odeygii la soo hadal qaaday xaal ayaan u dirayaa, qolada kale ee ay leedahay way ii dhaamaana waxaan leeyahay Alle ha u barakeeyo haddii ay noo dhaammaan, hadalkaasina (hadalka Marwadii Cigaal) meeshiisii muu ahayn, laakiin waxaan u sheegayaa haddii qof la sheelo waa la sheegaa, haddii la sheegana waala sheelaa, markaa koleyba anagu xaal ayaanu ka bixinaynaa.” Sidaa waxa yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo wax laga weydiiyay maadaama Marwo Kaltuun tahay muwaadinad reer Somaliland oo hankeedu siiyay inay isu taagto murashaxa xisbiga UDUB, sababta ku jaban ee aad uga qayliseen, waxa uu ku jawaabay, “Horta casuumada aanu ku casuunay (shirka) waxa aas-aas u ahaa Marxuum Cigaal oo ahaa ninkii bixiyay magaca xisbiga UDUB, casuumada la siiyayna waxay ahayd inay isa soo taagto maqaamkii Odeyga oo lagu sharfay, mida kale inagu waxaynu leenahay Dastuur, dastuurkaasina qof walba wuu u furan yahay in la doorto ama uu wax doorto, iyadda iyo qayrkeed midna loo diidi maayo, xisbiguna waa xisbi balaadhan oo dimuqraadi ah.”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com