Golaha Wakiillada Somaliland oo go’aan ka gaadhay qaabka lagu galayo doorashada Golayaasha Deegaanka iyo khilaafka diiwaan-gelinta oo sii xoogaysan kara

Hargeysa-(Berberanews)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa markii ugu horreysay maanta go’aan ka gaadhay qaabka lagu galayo doorashooyinka golayaasha deegaanka, go’aankaas oo cirka ku sii shareeraya khilaaf horeba uga taagnaa in diiwaangelin cusub la sameeyo.

Xildhibaannada Wakiillada ayaa fadhigoodii maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxay cod aqlbiyad ah ku ansixiyeen in la laalo diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii Bishii June ee la soo dhaafay. Ka dib markii 47 Mudane ay Golaha horkeeneen mooshin ay ku soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka diiwaan gelinta isla markaana la laalo diiwaangelintii hore. Waxaana fadhiga go’aankaa lagu gaadhay ka soo xaadiray 48 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Goluhu waxa kale oo ay cod ku go’aamiyeen in Diiwaan gelin la’aan lagu galo doorashada goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa iyo diiwaan gelin rasmi ah dalka laga sameeyo ka hor doorashada Golaha Wakiilada.

Sadex qodob oo Goluhu u codeeyay iyo codbixintu siday u qabsoontay waxay u dhacday sidan:- 1- In la laalo diiwaan gelintii hore codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii June 2010-kii, waxa ogolaaday 34 Mudane, 9 Xildhibaan way diideen, 4 Mudane way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codaynin sidaasi ayaanu qodobkaasi ku ansaxay.

2- In Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haya lagu galo diiwaan gelin la’aan, waxa ogolaaday arrintaasi 37 Mudane, 5 Xildhibaan way diideen, 5 Mudane way ka aamuseen Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

3- In Doorashada Golaha Wakiilada ka hor la sameeyo diiwaan gelin rasmiya oo dhamaystiran waxa ogolaaday 42 Xildhibaan, cid diiday may jirin, 5 Mudane way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankan Wakiilladu maanta ku laaleen diiwaan-gelintii hore, isla markaana ku ansixiyeen in diiwaan-gelin la’aan lagu galo doorashada dawladaha hoose oo dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto, ayaa la odhan karaa waa mid cirka ku sii shareeri kara khilaaf horeba uga taagnaa qaabka loo galayo doorashooyinka soo socda, kaasoo ay Xisbiyada siyaasadda ee Mucaaridka ahi ku doodayeen in diiwaan-gelin cusub la sameeyo.

Halka Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland toddobaadkii hore Golayaasha Baarlamanka ku xujeeyeen in qaabka loo galayo doorashooyinku tahay mid u taalla Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada), balse waxa la dhawrayaa mawqifka ay Xisbiyadii hore u jiray, gaar ahaan UDUB iyo UCID ku qaabbilaan go’aanka Wakiillada.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.