Madaxtooyada Somaliland oo sheegtay inaanu jirin Urur-Siyaasadeed ay si gaar ah u taageerayso furitaankiisa

Hargeysa-(Berberanews)- Xafiiska Siyaasadda Xidhiidhka Golayaasha iyo dadweynaha ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Urur-siyaasadeed oo ay Madaxtooyadu si gaar ah u taageerayso furitaankiisa ama ku dhawaaqiddiisa.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu galabta soo saaray Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda, Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dadweynaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Bashiir Cabdi Xariir. Waxaanu qoraalka warkaas oo dhammaystirani u dhignaa sidan:- “Ref: JSL/XSXGM/XG/120/11 Date: 09/11/2011. Ma jirto Ururo siyaasadeed oo ay Madaxtooyada Somaliland si gaara u taageerayso Furitaankooda sida ku soo baxday Saxaafada Qaarkeed  Wararkaasi sal iyo Raatoona ma laha.

Xukuumada way usiman yihiin ururada cusub  ee hada la furayaa, sidii ay xukuumadu horeba u balan qaaday, waxaanay halkan ku beeninaysaa  hadalada Mala’awaalka ah ee umada lagu jaho -wareerinayo ee ku saabsan in xukuumadu gacansaar la leedahay Ururada qaar kood.

Waxa aan cidna ka qarsoonayn in ay xukuumadu ka soo jeedo xisbiga talada haya ee kulmiye oo aanay u baahnayn xisbi / urur kale oo ay ku tiirsato.

Weftigii Xukuumada ee Dhawaan burco tegay oo aan ka mid ahaa  waxa ay hawshoodu ahayd ka qaybgalka Munaasibada Ciidal Od-xa oo  ay bulshadooda Gobolka Tog-dheer kala qayb galeen , manay jirin cid ku lug leh hawlo ururo siyaasadeed oo ay la kulmeen ama Xaflado ay ka qayb galeen.

Waxanan umada uga digayaa in aanay u dhegtaagin wararka aan la hubsan  ee ay baahiyeen saxaafada qaarkood oo aan ka fiirsan hadalada waxyeeli kara Mil-gaha Saxaafu lahaan jirtay, oo Meel ka dhac iyo cebayna ku ah Masuuliyiinta  qaranka  xilka u haya Umadoodana u adeegaya.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.