Hargeysa: Munaasibad Baroordiiqa oo loo sammeeyay Aas-aasihii Saxaafadda Madaxabannaan ee Somaliland iyo sifihii laga bixiyay shakhsiyadda Marxuumka

Hargeysa- 10, November , 2011 (Berberabews) — Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, oo sida la ogyahay dhidibada u taagan saxaafadda Somaliland waxyar ka dib gooni-isu-taagii, isagoo Marxuumku keenay madbadacadii u horraysay wax lagu daabaco oo meesha ka saartay qaabkii gabboobay ee wargeysyadu isticmaali jireen iyo suurtagelinta dhiishkii u horreeyay ee lagala socdo wararka caalamka.

Halyeygii saxaafadda Somaliland Marxuum Maxamuud Cabdi Shide waxa maanta Hargeysa loogu sammeeyay xuska sannad-guurada 13aad ee ka soo wareegtay geeridiisii oo ku beegnayd November 09, 1998, taasoo uu soo qabanqaabiyay Wargeyska Saxafi ka soo qaybgalay xubno miisaan leh, halkaasoo ay ka hadleen xubno aqoon u lahaa oo ay soo wada shaqeeyeen, kuwaasoo ka hadlay shakhsiyaddii Marxuumka iyo waxyaabaha lagu xasuusan doono.

Qoraa Boobe Yuusuf  Ducaale oo ay soo wada shaqeeyeen Marxuumka, ayaa ka hadlay waxyaabaha uu ka xusuusto iyo shakhsiyaddiisii, “Maxamuud wuxuu ka mid ahaa foolaadkii saxaafada, waxaana sanadkii 1997 kii ka wada shaqayn jirnay Wargeyska Jamhuuriya, wuxuu ahaa nin adag, muu ahayn dadka wax xanta balse waxa uu sheegayo qofka hortiisa ayuu ku odhan jiray” ayuu yidhi Boobe, isagoo sii wata waxa uu yidhi” Maxamuud waxa uu dalka keenay dhiishkii ugu horeeyey ee satellite ka ku xidhan oo aanu wararka ka diyaarin jirnay”.

“Marxuumku waxa uu waday taalo uu doonayey inuu halkan ka sameeyo oo ah fooq saddex dabaq ah oo dhakada sare ka saaran yahay sawirkartoonka dhanxiir oo ka samaysan looxaan uu dibada ka keenay oo ujeedda guriga madaxtooyada, balse nasiib daro gurigaasi muu dhismin”ayuu yidhi.

Sawir kartoonkan dhanxiir ayaa ah sawir labada weji leh oo hadba wadciga lagu jiro ka hadla, waxaanu ku soo bixi jiray jaraa’id, isagoo matalaya qof mucaarad iyo qof muxaafad ah, isaguna iskugu jawaabayo oo dadku aad u jeclaayeen.

Mar kale isagoo Boobo sharaxayo shaqadii adkaa ee marxuumka waxa uu yidhi, “Wuxuu soo saari jiray barnaamij toddobaadkii soo baxa oo la odhan jiray faaqidaada toddobaadka, kharashkasta wargeyska ku baxaya waxa si gaar ah u bixin jiray alla ha u naxariistee Marxuum shide, waxa wakhtigaasi jaraa’idku soo saari jiray 5200 oo koobi oo gobolada loo kala diro, waxa uu biilin jiray fanaaniinta iyo dhalinyarada jabhadda ahayd ee qoriga sidatay, “ayuu yidhi Boobe Yuusuf oo ah nin qoraaya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isaguna ka hadlay wixii uu ka yaqannaay, waxaannu yidhi, “Waxa uu marxuumku barigaa iga codsaday in jaraa’idka uu qoraalo ku qora ana waan ka aqbalay oo barigaa waan ka faa’iiday oo qoraalo badan ayaan sameyey, wuxuuna ahaa nin dadka baray sida wax loo qoro”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta  Somaliland  SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sheegay Marxuum Maxamuud Cabdi Shide dhaqaalihiisii iyo xoogiisaba u huray hirgelinta saxaafadda Somaliland ee madaxabannaan oo uu dhidibada u taagay.

 

Xoghayaha ururka SOLJA  Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo in badan ay soo wada shaqeeyeen ayaaMarxuumka ku sifeeyay deeqsi qof walba wax siiya, isla markaana hirgaliyey saxaafada casriga ah ee Somaliland, isagoo sheegay inuu ka bedelo waraaqihii yaryar ee ay ku soo saari jireen una bedelay in laga dhigo waraaqo A3, waxaanu keenay madbacada weyn oo jaraa’idku ku daabacaan.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com