Xildhibaan Qabille oo Go’aankii Golaha Wakiilladu ku anixiyay Diiwaangelin la’aan ku sifeeyay mid lagu afgembiyay hannaankii dimuqraadiyadda Somaliland

Hargeysa, 10 November, 2011 (Berberanews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si kulul u cambaareeyey go’aan Golahaasi shalay ku meel-mariyeen in doorashada dhawaan la filayo inay qabsoonto ee Golayaasha deegaanka lagu galo diiwaan-gelin la’aan, isla markaana waxa uu ku tilmaamay go’aan lagu af-gambiyey hannaankii dimuquraaddiyadda iyo sumcaddii ay Somaliland caalamka ku lahayd oo uu xusay inay tallaabadaasi bar madaw ku noqon doonto.

Md. Qabille, oo Xalay Wargeyska Ogaal khadka taleefanka ugu warramay, waxa uu sheegay in go’aanka golohoodu shalay meel-mariyey yahay kii lagu diiddanaa ee lagula dagaallamayey Xukuumaddii UDUB ee Daahir Rayaale Kaahin. “Arrinta maanta (shalay) Golahayaga ka dhacday waxay ahayd afduub Somaliland ka dhan ah oo cid gaar ah u danaynaya. Xildhibaannada iyo Shir-guddoonka Diiwaangelintii hore waannu isku wafaqsanayn inay xumaatay, laakiin xal kale lama waayeen, in badan baynu caalamka kala hadlaynay in la innaga caawiyo sidii aynu doorashooyin xor iyo xalaal ah oo diiwaangelin lagu galo u heli lahayn, in maanta la yidhaahdo diiwaan-gelin la’aan hallagu galo doorashada golayaasha deegaanka, doorashooyinka Baarlamankana diiwaangelin hallagu galo arrin la filayey may ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inaan maanta (shalay) aanay gole ahaan u fadhiyin in mooshin uu jujuub ku tilmaamay laga hadlo. Waxaanu yidhi; “Mooshin bay 47 Xildhibaan soo dhigeen, waxay ahayd in la xaqiijiyo oo golaha laga dhex xaadiriyo magacyada Xildhibaannada mooshinka wata, laakiin in wax kale la galo may ahayn maanta (shalay).” Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka hadlayey saamaynta uu hore Somaliland ugu yeeshay go’aanka Wakiilladu shalay ansixiyeen, waxa uu yidhi; “Wixii Daahir Rayaale aynu kula dagaallannay ee dhalinyaradu u dhimatay ee dhiigga loo daadiyey, ee loo muddaharaadayey ee Golahayaga loo qufulay ee dhibaatada badani ka dhacday waxay ahayd diiwaan-gelinta halla laalo oo doorasho bilaa diiwaan-gelin ah halla galo, waakuwii shicibka Somaliland, Baarlamanka, gaar ahaan Wakiillada iyo Xisbiyada siyaasadduba diideen ee in xabbadda la isu dhigo laga door-biday in diiwaangelin la’aan doorasho lagu galo.

“Maanta halka dib looga soo dhacayna waa halkii 2009 la diiday in laga soo noqdo, in arrintii shalay laga dagaallamayey maanta la xalaalaysto waa xaaraan, go’aankaas shalayna dhibic madaw ayuu innagu yahay haddaynu Somaliland nahay. Qodobbada Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland eek ala ah, 37, 38 39, 9, 128 iyo 129, waxan maanta (shalay) la sameeyey wax waafaqsan maaha, afduubkaas ayaanu goluhu ku jiraa. Shirguddoonkuna hadday siyaasiyiin noqdeen oo ay damac siyaasadeed yeesheen way u furan tahay, laakiin maaha in mustaqbalka golaha lagu ciyaaro.” ayuu yidhi Xildhibaan Qabille.

Waxaanu Xildhibaan Qabille sheegay inay maanta Somaliland la siman tahay dawladda Sheekh Shariif oo tidhaahda doorashooyinkii golaha deegaanka ayaannu qabanaynaa, maaddaama oo diiwaan-gelin la’aan la meel-mariyey in lagu galayo doorashda dawladaha hoose ee Somaliland. “Waxaynu la simannahay maanta dawladda Muqdisho oo doorasho gole deegaan bilawda. Sidaa daraaddeed, Xisbiga KULMIYE, Xisbiyada Mucaaridka ah (UCID iyo UDUB), Shirguddoonka Wakiillada iyo Xukuumaddu hadday taas isku raacaan oo ay go’aankaas diiwaangelin la’aanta aqbalaan, waxay noqonaysaa inaynu jid madaw badan oo aynu hore uga gudubnay dib ugu noqonnay. Mana aha in gaara la eego, waayo? Cid looma laali karo wax qaran ka dhexeeya.”

“Ururradii baa la furay, lama diiwaangelin, Guddiga diiwaangelintu weli xafiis may fadhiisan, cidda ay khusayso ee ay Guddiga doorashooyinka arrintani ee uu kala hadli lahaa waa Ururrada iyo Xisbiyada, mid wax laga weydiiyeyna kuma jiro.”ayuu hadalkiisa raaciyey Md. Maxamed Faarax Qabille.

Md. Qabille oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray; “Maanta (shalay) nalooga fadhiyey Xeer 37, oo ah Xeerka diiwaan-gelinta doorashooyinka wax ka beddal iyo kaabis ku samayno, laakiin iyada oo aan xogba laga bixin oo aan waxa loo baahan yahay in lagu daro ama laga dhimo Xeerka faahfaahin laga bixin in la yidhaahdo waxa la ansixiyey in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada deegaanka, farriin iyo dhuumaalaysi Qaranka oo dhan ceeb ku ah weeye, golahayaguna ceebta ugu weyn leeyahay. 2008 mrkii aannu Ingiriiska tagnay 17 qodob oo ay nagu soo xidhay dawladda Ingiriisku ayey kaw ka ahayd doorasho diiwaangelin lagu galaa.”

“Hadday doorasho Madaxweyne tahay, mid Guurti tahay, ta Wakiillada tahay ama mid deegaan tahay doorasho kasta waa inay ka sinnaadaan. Doorashadii 2005 Wakiilada lagu soo doortay, Maxkamadda Sare ee Dastooriga ahi waxay tidhi; ‘Doorashadaa Wakiilladu waa tii ugu dambaysay ee diiwaangelin la’aan lagu galo, cid jabin kartaa ma jirto go’aankaa Maxkamadda sare. Diiwaangelintii aynu galnay markii qaladaadkiidu batay, waxa ku caddayd kaliya in doorashadii Madaxtooyada lagu galayo.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Dhibaatada intaa leegi waxay keeni kartaa inuu jabo qodobka sheegaya Xil-gudashada golayaasha kala duwan, xil-gudashada waxay u gudan karaan si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda sida ku cad qodobka 38 ee Dastoorka Somaliland, inay xuquuq siman sharciga hortiisa ku leeyihiin buu sheegayaa, tanina hoos u dhac bay ku tahay, iyada oo aan sabbaysnayn tallaabadaas la qaaday.”

“Qodobka 129 ee Dastoorka JSL oo ah kii dhaarta, 128 oo ah dastoorku inuu yahay Xerka ugu sarreeya, wixii ka horimanayana aanay waxba ka jirin in la jabiyo oo go’aan noocaas ahi ka soo baxo golaha waa naanays aan weligeed ka hadhi doonin. Dalkana in la qaso oo uu golihii sharci-dejintu qaso maaha, wax loo fahidyeyna maaha, shicibka, Xisbiyada, Ururrada cusub, Guddiga doorashooyinka iyo Xukuumadduba way arkaan sida wax yihiin, ee waxaannu leenahay maaha in dalka iyo dadka la afduubo ee doorkiinna muujiya..” ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax Qabille oo ka mid ah Mudanayaasha laga soo doortay gobolka Saaxil ee ka soo baxay Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Xigasho Wargeyska Ogaal