Xisbiga UCID oo masuulliyiin cusub u magacaabay Gobollada Bari

Hargeysa 10, November, 2011-[(Berberanews)– Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa masuul cusub oo lagu magacaabo Cismaan Ismaaciil Yuusuf u magacaabay Guddoomiyaha gobolka Togdheer islamarkaana ay hoos iman doonaan gobollada Sool iyo Sanaag.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay ku xigeenka xoghayaha arimaha gudaha iyo xidhiidhka gobolada xisbiga UCID Xuseen Xasan Badmaax, ayaa lagu faafiyay magacyadda wakiillo cusub oo xisbiga UCID u magacaabay Gobolka Togdheer.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan “Ka dib markaanu eegnay xeerka xisbiga UCID kaas oo dhigaya in la buxiyo xubnaha lagu badelay wareegtadii 31 January 2011 ee xilka lagaga joojiyey dhamaan Gudoomiyayaasha Gogolada ee Xisgiba UCID.

Ka dib markaanu wada tashi la yeelanay xubnaha G/Dhexe iyo Xubnaha Xisbiga ee Gobolka Togdheer waxanu isla qaadanay in gudi cusub ,loo magacaabo gobolka taso ku salaysan dib u habaynti mamuulka G/Togdheer ee xisbiga UCID.

Waxa uu xisbigu go’aamiyey in dhamaan qalabkii, agabkii iyo gadhiga numberkisu yahay No: 22283  inlagu wareejiyo Gudoomiyaha cusub ee gobolkaa Togdheer ee xisbiga UCID

1.         Gudoomiye: Cismaan Ismaciil Yusuf

Waxanu uu magacawnay gudida G/Togdheer ee xisbiga UCID xubnahan hoos ku qoran

2.         Maxamed Gudi Maxamed wakiilka Gobolada bariga ee Xisbiga UCID

3.         Cismaan Ismaciil Yusuf Gudoomiyaha G/Togdheer

4.         Khaddar Maxamed Xirsi G/ku xigeenka G/Togdheer

5.         Xasan Maxamed Yasiin (af duub) Xoghayaha G/Togdheer

Waxaanu dhamaan Gobolada bariga ogaysiinayna in ay hoos imanayaan wakilka xisbiga ee Gobalada bariga (Togdheer,Sanaag iyo Sool). 

Sida awgeed Waxaanu mar labaad si sharaf iyo xushmad  leh idinka codsnayna in aydun u fududaysan Gudoomiyah iyo Gudida kor ku xusan hawlahooda shaqo”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland