Xoghayihii Warbaahinta iyo Abaabulka SSC ee nabadda la qaatay Somaliland oo si adag uga jawaabay Eedo Muuse Biixi u jeediyay

Hargeysa, (Berberanews)- Xoghayihii Warbaahinta iyo Abaabulka Kooxdii SSC oo hoggaamiye u ahaa garabkii nabadda la qaatay Somaliland, isla markaana dhawaan Hargeysa kaga dhawaaqay Urur-Siyaasadeedka uu ugu magac-daray SSC Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa si adag uga jawaabay hadal uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku sheegay in shaqaaqadii Ceerigaabo toddobaadkii hore ka dhacday ay ahayd shirqool ay ka dambaysay Kooxda SSC.

Kayse Cabdi Yuusuf oo hormood u ahaa garab ka tirsan Kooxda SSC oo hore ugu dhawaaqay inay qaateen gogoshii nabadda ee uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyay, isla markaana bilihii u dambeeyay ku sugnaa Caasimadda Hargeysa ayaa hadalka Muuse Biixi ku tilmaamay in uu ahaa mid Cadaawadi ka muuqato, waxaanu ka codsaday inuu ka noqdo hadalkaas. Waxa kale, oo uu xusay in ururka SSC aanu ahayn cadawga Somaliland, balse ururkoodu yahay mid Dumuqradiyadeed. Kayse Cabdi Yuusuf oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in wixii ay qoriga u qaateen, ee ay ka dagaalamayeen ay ahayd sidii ay u heli lahaayeen wixii ay tabanayeen dhinac kasta, taasoo uu sheegay in hadda oo la gaadhay in dagaalkii ay ku jireen u bedeleen dhinaca siyaasada iyo dimuqraadiyadda. “Xalay (habeen-hore) waxa cusbaa ee dhageheena ku cusbaa waxa uu ahaa hadal aan kolay runtii aanan anigu jeclayn inuu ka yimaado af nin oday ah af nin masuul ah, madaxda loo hanweyn yahay ka mid ah, dalkan macne iyo taariikh ku leh sida muuse bixii oo kale, Muuse Biixi Xalay waxa uu yidhi dagaalkaa waxa ku lug leh Ururka SSC oo fadqalalo iyo fidno ka dhex wada labadaa beelood ee walaalaha ah,  wuxuu sheegay in maxaabiis SSC laga hayo, wuxuu sheegay in meelo kale laga soo diray, wuxuu sheegay in SSC ay tahay ta midnimada iyo horumarka iyo jiritaanka somalialnd cadow ku ah, aad baan uga xumahay.” Sidaa ayuu yidhi Kayse Cabdi Yuusuf.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaannu u aragnaa eedaynta guddoomiyaha hadalada la isticmaalo wakhtiga doorashooyinka oo kale ee xisbiyadu isku celceliyaan anagu hadda xisbi ma nihin, urur siyaasadeed cusub baanu nahay shalayna rur dagaal ahaa, shaqadii nabadeed iyo wixii la qabtay iyo gogoshii Madaxweynuhu dhigay ka bacdi, la isla gartay inu isku bedelo urur siyaasadeed, urursiyaasadeedkaasi inuu bari ka mid noqdo Asxaabta siyaasadeed ee qaranka ee dalka u tartamaysa, taas oo hadafkayagu ahaa ama hadafka ururku yahay in hadii aanu qoriga u qaadanay tabasho.” “Haddaanu u dagaalamaynay tabasho, hadii kuwa aanu wax wada leenahay is haynay oo aanu is dilaynay, haddii kuwa aanu wax wada leenahay wax ka tabanaynay in aanu maanta tabashadayadii aanu u marno dariiqa siyaasada, dimuqraadiyada iyo habka asxaabta oo wixii aanu qoriga ku doonaynay aanu ku qaadano cod ee aanu qaadanay ee aanu iibsanay ee aanu doonaynaa taa weeyi, waxaanu xisbiyada qaranka somalialnd, waxaanu ka filaynay inay na soo dhaweeyaan inay nabada aanu wadno iyo gobolada ku maqnaa tabashada ee hadda aanu matalayno ee ururkii dagalamayey ee aanu shalay ahayn aanu urur siyaasadeed isku bedelnay inay nagu gacan siiyaan baanu filaynay, waa markii labaad ee Saxaafada Xisbiyada Qaranku noo isticmaalaan iyaga oo Erayga SSC isticmaalaya, waa nasiib-darro.” Ayuu yidhi Keyse.

Waxa uu Muuse Biixi iyo dhiggiisa u soo jeediyey Keyse inaanay hadallada wakhtiga doorashooyinka lagu jiro la isu isticmaalo aanay u isticmaalin SSC, Kayse oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waanu leenahay anaga xisbiyada iyo xisbiyada qaranka ee hadda jira waanu ixtiraamaynaa, kuwa cusub ee hadda yimidna waanu ixtiraamaynaa, hadalada wakhtiga doorashada la isticmaalo ee noocan ahna, waa nuclear bay ahayd, hadalada nuclearka ah ee noocan oo kale ah anagu ma qaadi karno walaalayaal waanu cusubnahay, markaanu idinka idin leekaano ee aanu xisbi weyn noqono oo aanu xisbi qaran noqono aad ka baqdaan inaanu dee madaweynaha iyo Raisal baarlamaanka idinku qabsano, markaa dee Nuclear-kan oo kale isticmaala, laakiin hadda maya, waxa uu ahaa hadalkaasi hadal lagu bedelayo, lagu xumaynayo, lagu madoobaynayo sumxada iyo hanka iyo dhabaha cusub ee siyaasadeed ee ururkan SSC uu hayo waxay ahayd mid nalagu kala dilayo anaga iyo shacabka reer Somaliland.”

“Hadalkaa Muuse Biixi wuxuu ahaa hadal lagu xumaynayo oo lagu bedelayo sumcada iyo hanka iyo dhabaha siyaasaddeed ee ururka SSC uu hayo, wuxuu ahaa mid lanagu kala dilayo anaga iyo shacabka reer Somaliland, waxaanu leenahay shacabka ilaa maalintii aanu nabada ceelalyada ugu nimi oo ahayd 13 March laga bilaabo maalintaas SSC wax dagaal ah oo gashay ma jiro, hadalkaasina wuxuu u muuqdaa mid taageeradii gobollada iyo meel kasta ee ururka SSC wax u dhimaya, in la yidhaahdo waa argagixiso ama waa dagaal ooge.” ayuu mr Kayse.

“Ururka SSC ceelalyadii uu ku yimi, ka dib wuu noqday, waxaanu ku war celinay dadkii aanu matalaynay, waxaanu ku nidhi wixii aad qoriga noogu dhiibteen waxa lagu helayaa wada hadal, waana lanaga aqbalay, waxaanay keentay in 20-kii bishii lixaad in shir lagu qabto magaalada Widhwidh.” ayuu raaciyay hadalkiisa. Keyse Cabdi Yuusuf wuxuu ku  tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Muuse Biixi mid uu uga gol lahaa sidii loo baajin lahaa Shirweyne ay maanta ku qabsan lahaayeen Hargeysa, maadaama oo uu sida uu sheegay hadalkiisu u ahaa mid ka daran folkaane. Sidoo kale, Guddoomiyaha Urur Siyaasaddeedka SSC ee Kayse Cabdi Yuusuf wuxuu tilmaamay inay hore masuul uga ahaayeen wixii dhibaato ee ka yimaada SSC, balse waxa uu sheegay wixii xilliga ka dambeeya inaanay masuuliyadeeda qaadayn, waxaanu ku sasabeeyay arrintaas hadalka uu ku duray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE mid dhibaato ama dagaal horseedi kara.

“Waxaanu leenahay shacabka reer Somaliland waxaanu nabada ceelalyo aniga iyo ragii ila socday ugu nimid bishii march 13-keedii ilaa 14-keedii, laga bilaabo maalintaasi aanu soo galnay SSC haba yaraatee wax dagaal ah oo ay gashay ma jirto, intii ay ka dagaalami jirtay gobolada bari waa laga ogyahay, Ciidamada halkaa joogaana way ogyihiin, SSC waxay samaysay ciidankeedii, Hubkeedii iyo Tiknikadeedii way soo galisay, Ciidankayagu waxa uu joogaa isaga oo ciidanka qaranka ka mid ah Laascaanood, wxuu joogaa isaga oo aan la  qaramayn Laascaanood, wuxuu joogaa ciidankagyadii iyo tiknikadii isaga oo aan qaran ahayn Hargeysadan aynu maanta joogno, wuxuu ku joogaa waa habkiii iyo hanaankii nabadeed iyo habkii loo waday gogosha ayuu ku joogaa.”  Sidaa ayuu yidhi Keyse Cabdi Yuusuf.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Ciidan dagaal ku jira oo tiknikadiisii ay ku jirto gudaha Somaliland oo ay ciidamadii Somaliland meel wada yaalliin in la yidhaahdo dagaal ayay ku jiraan, waxaan u arkaa hadal nasiib-darro ah oo mooral jabinaya cid kasta oo wanaag ka shaqaynaysay, cid kata oo soo dhawaanayssayna sii didinaya, ururka SSC ceelalyadii uu ku yimid, waxaanu ku nidhi dadkii qoriga noo dhiibay wixii aad qoriga noogu dhiibteen waxa lagu helayaa wada hadal, adeer waa nalaga aqbalay oo waxa ay keentay in 20-kii bishii lixaad in shir lagu qabto magaalada widhwidh, shirkaas oo ay ka soo baxeen sideed qodob. Arrintaa Ceerigaabo ka dhacday beelo isku dhacay baannu u aragnaa, wax ay SSC shaqo ku leedahay maaha waxa dhacay, laakiin wixii berri dhacaa waa wax kale oo hadalkaa Muuse Biixi soo kiciyey.”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com