Giriigga oo loo magacaabay Ra’iisal wasaare cusub oo ku-meel-gaadh ah

Athens-(Berberanews)- Waddanka Giriigga ayaa waxa loo magacaabay Raiisul Wasaare KMG. Raiisul Wasaaraha cusub ayaa ah Lukas Papademos, oo ahaan jiray Madaxweyne ku xigeenkii hore ee bangiga dhexe ee Yurub.

Afar maalmood kadib markii ay socdeen wadahadallo siyaasadeed xasaasi ahaa, ayaa Mr Papademos waxa uu bedelayaa George Papandreou. Madaxweynaha dalka ayaa weydiistay Lukas inuu soo dhiso dowlad qaran oo loo dhan yahay.

Isaga oo ka hadlayay bannaanka xarunta madaxtooyada ayaa Mr Papademos waxa uu sheegay in dowladdiisu hawsha ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii loo dhaqan gelin lahaa tallaabooyinka hogaamiyeyaasha Midowga Yurub. Waxaa xafiiska Raiisul Wasaaraha loo dhaarinayaa Jimcaha.

Giriigga ayaa waxa ka taagnaa dhibaatooyin dhaqaale, taasi oo keentay in ay dalalka Midowga Yurub lacag amaahiyaan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.