Hargeysa-(Berberanews)- Guddiga diiwaan-gelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaran ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka November sannadka 2011, ay bilaabayaan diiwaangelinta Ururrada iyo qabashada Araajida iyo codsiyada cidda doonaysa inay urur furato.
Guddiga diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasadda oo maanta magaalada Hargeysa ku qabtay Xaflad ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Masuuliyiin iyo marti-sharaf kale.
Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland Xasan Macallin, oo faahfaahin ka bixiyey ujeeddada Xafladda, shaqada ay Guddi ahaan qabanayaan, wakhtiga diiwaangelintu soconayso iyo Shuruudaha Ururrada cusub ee is diiwaangelinaya looga baahan yahay.
“Laga bilaabo maanta oo Sabti ah, taariikhduna tahay 12-ka Bisha November sannadkan 2011-ka waxaannu halkan ka caddaynaynaa inay furan yihiin diiwaangelintii Ururrada Siyaasadda ee Guddi ahaan aannu u xil-saarnayn, muddada ay xidhmayso diiwaangelintuna waxay ku egtahay 11/01/2012-ka, (koobiyo tobanka bisha koobaad labada kun iyo labiyo tobanka. Markaa, waxay furnaanaysaa diiwaangelintu muddo lixdan maalmood ah ama laba bilood ah.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Somalialnd Xasan Macallin.
Xasan Macallin, waxa uu sheegay in cidda muddadaa lixdanka cisho ah ka dib-dhacda ee doonaysa inay Urur furtaan ee aan labadaa bilood gudohood Araajida iyo Codsiyadooda soo gaadhsiin Guddiga diiwaangelinta ay noqonayso cid ka habsaantay wakhtigii loogu talagalay oo aan laga qaban doonin codsiyadooda. Waxaanu yidhi; “Cidda Lixdankaa cisho gudohood ka dib dhacdaa inay codsiyadooda soo xareeyaan waa cid ka dib dhacday wakhtigeedii oo aan laga qaban doonin Araajida.”
Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Xasan Macallin oo sharraxaad ka bixinayey shaqada ay Guddi ahaan qabanayaan, waxa uu yidhi; “Guddiga waxa loo aasaasay inay diiwaangelinyaan ururrada siyaasiga ah iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka. in badan bay dadku na weydiiyeen miyeydaan diiwaangelintii bilaabahay, waxaannu u sheegaynaa annagu inaannaan ahayn Guddiga diiwaangelinta dadka, ee waxaannu nahay Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta Axsaabta Qaranka.”
Xasan Macallin oo ka hadlayey Shuruudaha lagu xidhayo diiwaangelinta Urur-siyaasadeed cusub waxa uu yidhi; “Urur-siyaasadeed cidda furanaysa waxa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan Codsiyadooda, waxa shuruud ah oo loo dhiibayaa Form ay Codsiga looga baahan yahay ku soo buuxbuuxiyaan. Waxa kale oo Ururka la diiwaangelinayo looga baahan yahay inuu bixiyo Cashuur dhan boqol iyo konton Milyan oo Lacagta Somaliland ah.”
“Waa inay Ururradu Sharcigooda iyo Xeer-hoosaadkooda ku saleeyaan Xeerarka iyo Shuruucda dalka Somaliland iyo Xeerka doorashooyinka ee NO. 14, sida ay Sharciga ku qoreen Golayaasha Sharci-dejinta Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka Somaliland Xasan Macallin.
Sidoo kale, waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta Cabdirisaaq Ciyaalle, oo sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo buuxisa Shuruudaha looga baahan yahay oo doonaysa inay Urur-siyaasadeed furtaan, isla markaana waxa uu ku taliyey oo uu soo jeediyey inaanay Ururradu noqon Ururro shaqsiyaad gaar ahi leeyihiin, hase ahaatee, ay noqdaan Ururro la wada leeyahay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.