Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta kulan la yeeshay Wefti ka socda Ha’yadda UNICEF oo socdaal ku yimi Caasimadda Hargeysa.
Weftigan oo Madaxweyne ku-xigeenku si diirran ugu qaabbilay Qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa, ayey ka wada hadleen arrimo dhawr ah. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed galabta ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland. Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
“Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Hay’adda UNICEF oo uu hogaaminaayo Mr. Sikander Khan, oo ah u qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya.
Weftigani waxa ay madaxweyne ku xigeenka xog-waran ka siiyeen ujeedada socdaalkooda ee ay ku yimaadeen Somaliland taas oo ay ku sheegeen in ay Somaliland ka hirgelin-donaan Mashaariic wax ku ool ah oo waxka tari doona dhinacyada kala duwan ee horumarka bulshada,
Mr. Sikander Khan waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in ay mashaariicaha horumarineed ee ay ka hirgelin-donaan Somaliland ay ugu horayso, dhismihii ugu weynaa ee abid laga hirgeliyo Guud ahaan Afrika, kaas oo ay fursada u heshay in laga yagleelo Somaliland oo ah qaran curdin ah, nabad, & xasilooni buuxdana ka jirto iyo Dawlad buuxisay Shuruudaha dawladnimo lagu noqon karo, kaas oo ka soo ifbaxaya Afrika.
U qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Somaliya ee Hay’adda UNICEF, Mr. Sikander Khan, waxa uu Somaliland uga mahad-naqay sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyey Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa, waxaanu xusay in shacab iyo xukuumadba ay lama huraan tahay in ay sii laban laaban dedaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta nabad-gelyada, horumarka iyo wax-wada qabsiga ay muujiyeen.
Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sidoo kale wax ka iftiimiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland taasi oo uu xusay in Xukuumada Somaliland oo kaashanaysa shacbigeeda, ay ka soo gudbeen Carqalado badan oo ka soo wajahay dhinacyada nabad-gelyada, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku uga xog-waramay Weftiga, dimuquraadiyada ka hana qaaday Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ku timid rabitaanka shacbiga, waxaanu ku amaanay Hay’adda UNICEF dedaalka ay u gashay in ay Somaliland ka hirgeliso dhismihii ugu balaadhnaa ee ay ku yeelato Afrika oo dhawaan la dhagax dhigi doono lagana bilaabi doono dhsimihiisa Hargeysa.
Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka JSL, waxa uu Hay’addaha kale ee ka hawl-gala dalka u soo jeediyey in ay ku daydaan Hay’adda UNICEF oo ay ku dhiiradaan inay Somaliland ka dhigtaan saldhigooda koowaad ee Afrika.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.