Nairobi-(Berberanews)- Dajiraha dowladda Eritrea u fadhiya Nairobi, Beyene Russom ayaa sheegay in dalkiisu uunu cadow ku ahayn dalka Kenya, isagoo beeniyay in dalkiisu uu hub ku taageeray Al-shabaab.
Kenya, ayaa ku eedeysay Eritrea inay diyaaradu hub ka dajisay degmada Baydhabo ee gobolka Bay halkaasoo ay awood ku leedahay Al-shabaab si ay ugula dagaalanto dagaalanto ciidamada Kenya.
“Eritrea wax faa’iido ahi uguma jirto in awoodda Kenya ay wiiqanto ama waxyeello loo geysto ciidamadooda hub ay ku taageereen Al-shabaab oo ciidamada Kenya dagaal kula jira.” Sidaa ayuu yidhi Danjiraha Eritrea ee dalka Kenya.
Al-shabaab ayaa beenisay in hub ay ka heshay dalka Eritrea, waxayna hadalkaas ku tilmaantay qorshe ay Kenya ku doonayso inay kusoo weerarto dalka Soomaaliya si ay dadkiisa u baabi’iso.
Balse Al-shabaab ayaa dhawaan sheegtay inay heshay qalabka raadaarrada lagu ogaado diyaaradaha diyaaradaha dagaalka iyo hub kale oo casri, balse ma sheegin halka ay ka heshay hubkaas iyo qalabka raadaarka.
“Duulimaadyadaasu waxay ahaayen kuwo been abuur ah,” ayuu yidhi Danjire Russom oo intaas raaciyay: “Maxaan ka helaynaa haddii aan xoojinno awoodda Al-shabaab oo aan wiiqno tan Kenya? Ma doonayno in ciidamada Kenya waxyeello loo geysto. Waayo ma ihin cadowga Kenya.”
Ugu dambeyn, safiirka Eritrea ee Nairobi wuxuu sheegay in hadallada ku saabsan inay hub ku taageereen Al-shabaab ay yihiin been abuur ay sameysay Ethiopia si ay indha caalamka uga jeediso dhibaatada dhinaca xuduudda ah ee ku hayso dalka Eritrea.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.