Madaxtooyada oo shaaca ka qaadday mawqifka Xukuumaddu ka qabto go’aanka Golaha Wakiilladu ku ansixiyey in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada Dawladaha Hoose

Hargeysa-(Berberanews)- Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Xaaji-Cukuse), ayaa daboolka ka qaaday inay Xukuumaddu si buuxda u soo dhawaynayso go’aanka ay Mudanayaasha Golaha Wakiilladu Arbacadii hore ku laaleen diiwaangelintii codbixiyayaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada, halka ay ka ansixiyeen in bilaa diiwaan-gelin lagu galo doorashada golayaasha deegaanka.

Cabdillaahi-Cukuse, waxa uu sheegay in mawqifka ay Xukuumad ahaan ka qabaan go’aankaasi yahay mid cad, maaddaama oo go’aankaasi taageerayo in doorasho qabsoonto. “Wixii golaha wakiilladu ay ansixiyeen ee ah diiwaangelintaa waannu soo dhawaynaynaa kol hadday taageerayso inay doorasho dhacdo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeen Madaxweynaha Somaliland Cabdillaahi-Cukuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Marka ugu horreysa arrinta diiwaangelinta, diiwaangelin la’aan iyo diiwaangelin cusub oo la furo  iyo tii hore oo lagalo dhammaantood waa astaan u adeegayaan ama ka horimanayaan kolbaa sida ay u dhiganto inay doorashada golayaasha deegaanadu dalka ka qarsoonto iyo in kale. Siyaasada xukuumaduna iyado cad waxa weeyeen in aanay doorashada golayaasha deegaanadu aanay wakhtigeeda dhaafin, inay doorashada golayaasha deegaanadu qarsoonto waayo? Haddii ay doorashadaasi dib u dhacdo waxay riixaysaa doorashadii golaha wakiilada oo waxay riixaysaa doorashadii golaha guurtida oo waxay riixaysaa doorashadii madaxweynaha.”

“Marka waxay noqonaysaa sidii inugu soo dhacday siddeedii sanno ee hore ee xukuumadii hore loo kordhiyey, marka waxay noqonaysaa in madaxweynaha dhawr goor loo kordhiyo in golaha wakiilada dhawr goor loo kordhiyo oo golayaasha deegaanaduna ay waxooguba xadka ka baxaan.” Ayuu yidhi Xaaji Cabdillaahi-Cukuse.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Ururada diiwaangelinta iyo ansixintu waxay soo bandhigeen in la furay ururadii, waxaanu anaguna taageerayna oo aanu si cad ula shaqaynaynaa guddigaa iyo xil gudayasheedaba waanu la shaqaynaynaa. Ururada waanu ku dhiirigelinaynaa inay noqdaan kuwo ka badheedha dimuqraadiyada tartankaa si salaax ah ugu soo badheedha oo u furma, laakiin raaca shuruuda iyo qawaaninta uu dalku leeyahay.”

Cukuse, waxa uu sheegay inay Xukuumaddu fulinayso go’aannada iyo Shuruucda dalka u yaalla ee dhinaca Ururrada cusub ee siyaasadda, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Shuruucda iyo qawaaninta dalka taala ayay xukuumaduna fulinaysaa, go’aamada guddigaa ka soo baxana aanu taageeraynaa sida uu sharcigu na farayo oo aanu raacayna. Waxaanu diirigelinaynaa in geedi socodka dimuqraadiyada ee ka hanaqaaday Somaliland u si wanaagsan u socodo oo aanu intaa soo yar oo hakada galin, xukuumadani waxay ka soo horjeeda kasta oo geesi socodka dimuqraadiyada hakad gelinayaa”

Hadalkan Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa yimi maalin ka dib markii uu Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Xukuumadda Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi, uu shaaca ka qaaday inay Xukuumad ahaan ka soo horjeedaan, isla markaana aanay aqbalaynin go’aanka ay golaha Wakiilladu ku laaleen diiwaangelintii hore, kuna ansixiyeen in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada golayaasha deegaanka oo la filayo inay dalka ka qabsoonto bisha afraad ee sannadka 2012 oo foodda innagu soo haya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.