Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax dhigay Dhismiha xarunta ugu weyn ee Hay’adda UNICEF ku yeelan doonto guud Geeska Afrika oo laga hirgelinayo Xaafadda Masallaha ee Caasimadda Hargeysa.
Xaflad loo sameeyay dhagax-dhigga xaruntaasi waxa ka qaybgalay Wasiirradda Kalluumaysiga, Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, Wasiir Ku xigeenka Maaliyadda iyo Duqa Caasimada Hargeysa ahna Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladii dhagax dhiga dhimahaasi wuxuu yidhi “Xukuumadda Somaliland waxa maanta farxad weyn u ah inaanu maanta halkan nimaadno dhagax dhiga Xaruntii u horreeyay ee Ha’yad ka mid ah Haa’yadaha qarammada Midoobay oo ah UNICEF ay xaruntoodii ugu weynayd ee Geeska ay ka dhisayaan caasimada Somaliland ee Hargeysa taasina farxad labaad ayay noo sii tahay.”
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in xafiiskani wax ka tarayo sidii loogu adeegi lahaa carruurta iyo haweenka isagoo arrintaasi ka hadlayna wuxuu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu Hambalyeynayaa Haa’yada UNICEF tallaabadda horseedka ah ee ku dayashada mudan ee ay qaadatay oo aan u soo jeedinayo inay Ha’yadaha kale ee qarramadda midoobayna ku daydaan. Tallaabadani waxay muujinaysaa sida Ha’yada UNICEF sida ay diyaarka ugu tahay inay ka midho dhaliso qorshaha Milinium Goal-ka la hiigsanyo oo carruurta iyo dadka nugul oo haweenku ka mid yihiin oo waxqabadkii Ha’yadaasi u soo dhawaatay, aad iyo aadna waan ugu hambalyaynayaa Ha’yadan.”
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay iskaashi wanaagsan oo horumarineed ay la yeeshaan Ha’yadaha caalamiga ah.
“Anaguna sidaasi aanu dhulka u bixinay ayaanu diyaar ayaanu u nahay inaanu kaalintayada ka qaadano wada shaqaynta aanu la leenahay Ha’yadaha si looga midho dhaliyo ahdaafta horumarinta si aynu isbedel uga samayno dhinayada Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada oo ah sadexda qodob ee aasaasiga ah,”ayuu yidhi Ku simaha Madaxweynaha Somaliland.
Sidoo kale, Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlay xafladaasi waxa uu sheegay inuu uga mahad celiyo xukuumada Somaliland xidhiidhka iskaashi ee ay la leeyihiin Ha’yada UNICEF waxaanu Madaxweyne Ku xigeenka uga mahad celiyay sidii uu ugu soo dhaweeyay dalka.
Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia Mr. Sikander Khan oo ka hadlayay xafladaasi wuxuu yidhi “UNIEF waxay aad iyo aad ugu faraxsan tahay inay gudoomato dhulka ay dawladda Somaliland siisay UNICEF si ay hawleeda ugu gudato, marka la dhiso dhulkaasi waxa uu noqonaynaa xafiiska ugu weyn ee Bariga Afrika waxaana la filayaa inuu ku dhammaado dhismaha xaruntani muddo 12 bilood gudahood ah waxaana la rajaynayaa inuu ku dhammaan karo lix ilaa sideed bilood.”
“Dhulkan aanu ka dhisayno xarunta waxa cabirkiisu yahay toban kun oo mitir oo laba jibaaran, waxaanu qaadi doonaa 90 shaqaale ah, xaruntani waxay muujinaysaa ahmiyad ay UNICEF siinayso Somaliland si ay u fuliso mashaariicda dhinaca horumarinta carruurta 12 mashruuc oo Afrika oo dhan ka socda, dhaqaalaha ku baxayaana uu gaadhayo 12 illaa 25 Malyan oo Dollar,” Wakiilka Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia.
Mr. Sikander Khan oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Deeqdan dhulku waxay timid xili adkaa oo aanu aad ugu baahnayn si aanu ula shaqayno Milinium Goal-ka.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.