Hargeysa: Mudaharaad lagaga soo horjeedo go’aankii laalista diiwaangelinta codbixiyayaasha Doorashooyinka

Hargeysa 13 Nov 2011 (Berberanews)- Dadweyne ka mid ah kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa, ayaa maanta sameeyey mudaharaad ay kaga soo horjeedaan laalistii Golaha Wakiillada Somaliland ku sameeyeen diiwaangelintii codbixiyayaasha doorashooyinka.
Dadweynahan oo u badnaa dhallinyaro aqoonyahan ah waxay subaxnimadii hore isugu soo baxeen barxadda hore ee xarunta Baarlamanka Somaliland oo aqal ka mid ah (Golaha Wakiilladu) gaadhay go’aanka lagu laalay diiwaangelinta, halka aqalka odayaasha ee Guurtidana ay hortaalo.



Mudaharaadayaasha oo sitay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhegyo ay ku cabirayeen sida ay uga soo horjeedaan in la laalo diiwaangelinta codbixiyayaasha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen eryadani ‘diiwaangelin la’aani waa doorasho la’aan,’ ‘madaxweynaha iyo Golaha Guurtida waxaannu ugu baaqaynaa inay ka fiirsadaan laalista lagu sameeyey diiwaangelinta…’ iyo qaar kale oo badan.
Dhallinayradaasi waxay mudaharaadkooda la bartilmaameedsadeen xarunta Baarlamanka, balse muddo yar markii ay horjoogeen waxay halkaasi yimi ciidan boolis ah, kuwaas oo ka horjoogsaday inay gudaha u galaan xarunta.
Kadib mudaharaadayaashu waxay socod ku mareen jidka wayn hormara Madaxtooyada dalka looga taliyo, iyaga oo socodkooda ku gaadhay ilaa xarunta Guddiga Doorashooyinka. Waxaanay markii dambe qabanqaabiyayaashii mudaharaadku shir jaraa’id ku qabteen huteelka Imperial oo ku dhaw xafiiska Komishanka Doorashooyinka.