Ciidammada Booliska Burco oo gacanta ku dhigay Hub iyo Maandooriye

Burco-November, 15, 2011-(Berberanews)- Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa  maanta xukuntay in la gubo (Sodon Kun Oo Litir Oo Khamri ah ) oo lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamadda boolisku ka fuliyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Burco ,iyadoo geesta kale-na maxkamaddu xukuno iskugu jira Xadhig iyo Ganaax lacageed ku riday 17 nin oo ka mid ah dadkii Khamrigaasi ka ganacsanayay .

Waxa kale oo Maxkamaddu xukuntay in ciidanka boolisku la wareegaan Afar Qori oo Khamrigaasi lala soo qabtay, ka dib markii hawlgal balaadhan oo Saaka Salaadii hore ciidamadda amaanku ku qaadeen goobo magaalada gudaheeda ah oo Khamriga lagu Iibiyo ,halkaasi oo ay ku soo qabqabteen wixii Khamri yaalay dadkii lahaa iyo kuwii ka shaqaynaayay waxaana isla markiiba si Deg-deg ah loogu gudbiyay maxkamadda gobolka Togdheer ,taasi oo islamarkiiba Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Togdheer Ibraahin Fanax ku riday ciqaabtii ay lahaayeen waxaaney xukuntay in si degdeg ah meel fagaare ah lagu gubo Khamrigaasi isla markaana waxay Sedex Sano Iyo Badh xadhig ah iyo Sedex Milyan Iyo Shanboqol  oo Somaliland ah oo ganaax ah ku riday 17-kaasi nin oo mid ka mid ah aan wali lasoo qaban sidoo kale Maxkamaddu waxay xukuntay in qoryihii lasoo qabtay ciidanka boolisku la wareegaan.

Dhinaca kale markii maxkamadda gobolku xukunkeedii soo afjartay waxa meel fagaare ah lagu gubay Khamrigii lasoo qabtay kaasi oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta gobolka Togdheer ,ka degmada Burco iyo Saraakiisha ciidamada booliska ,halkaasi oo ay markii danbe ay saxaafadda kula hadleen waxaana hadaladoodii ka mid ahaa .

” Hawlgalkan waxa lagu soo qabtay 30000 Litir oo Khamri ah waana taas hortiina lagu gubaayo hawlgalkanina wuu soconayaa ilamaa iyo inta lagu dabar goynaayo makhadaraadka gobolka sida Khamriga iyo xashiishada iyo waxyaabaha la mid kaha ” Sidaasi waxa yidhi Maayirka Degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan.

Guudoomiyaha gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn usoo dhaweeyay hawlgalkan ay ciidamada boolisku ku soo qabteen Khamriga faraha badan waxaanu yidhi ” Waxaanu u sheegaynaa shicibka reer Burco in ay gacan ka siiyaan ciidamada booliska la dagaalanka Khamriga iyo dhaqan xumada iyo waxyaabaha la midka ah sida Tooriyaha iyo Faashashka ,waxaanan halkan ka hambalyaynayaa ciidamada amaanka iyo maxkamadda gobolka oo qabtay hawl balaadhan oo qaran ..

Hawlgalka Khamrigan oo aan waxdhibaato ah gaysan ayaa noqonaaya kii ugu balaadhnaa ee ciidamada booliska Burco fuliyaan ee ay ku guulaystaan isla markaana ku soo qabqabtaan qaar ka mid ah milkilayaashii lahaa shqaalihii ka shaqaynaayay waxaana soo dhaweeyay dadweynaha reer Burco oo gubistiisa usoo daawasho tagay.

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com