Ujeeddada Ciidammo ka socda Dalka Tugriga oo Maanta Muqdisho Gaadhay

Muqdisho-(Berberanews)- sida ay sheegeen warar  laga helayo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkaas  gaadhay Ciidamo tiradooda lagu sheegay 50 Askari oo ka socda dalka Turkiga.

Warka ayaa waxaa uu intaas ku darayaa in ciidamadan ka socda wadanka Turkiga ay noqonayaa kuwa si gaar ah u ilaaliya amaanka safiirka dawladda Turkiga ay dhawaan u soo magacowday wadanka Somaliya.

Masuul ka tirsan wasaarada arimaha dibada dawladda KMG ah oo diiday in magaciisa saxaafadda lagu shaaciyo ayaa waxaa uu sheegay in xiligan ay ku sugan yihiin gudaha garoonka magalada Muqdisho 50 askari oo si gaar ah u tababaran oo ka socda wadanka Turkiga kuwaas oo ilaalin doona safiirka iyo safaarada Turkiga ee Muqdisho oo hadda lagu wado dayactir xoogan.

Imaanshaha ciidamadan gaarka ah ee ka socda dalka Turkiga ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii ay safirka cusub ee Turkigu u soo magacaabay Somaliya uu dalbaday in loo keeno ciidamo gaar u ilaaliya islamrkana ay ogolaadeen madaxda dawladda KMG ah ugu sareeya.

Berberanews.com

Hareysa/Somaliland.