Waxaan idiin sheegayaa in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka midaysan yihiin in dalka doorashadu ka qabsoonto..”Muuse Biixi

 Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xisbigiisa iyo xukuumaddu ka midaysanyihiin in doorashada Goleyaasha Deegaanku qabsoomaan xilligii loo qoondeeyay ee horraanta sanadka 2012.

Gudoomiyaha KULMIYE oo xalay u warrammay Telefiishanka Dawladda, ayaa beeniyay in xisbiga KULMIYE iyo xukuummadu ku kala aragti duwanyihiin go’aankii laalista diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaanka,  “Waxaan maqlayey dad leh Xukuumaddaa isku khilaaftay diiwaangelinta, waanan dhegeystay Wasiirka Duulista waanu taageeray, Afhayeenku wuu ka hadlay oo isagu wuu taageeray in diiwaangelin la’aan lagu galo doorashada, markaa waxaan idin sheegayaa in Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka midaysan yihiin in dalka doorashadu ka qabsoonto,” sidaa ayuu yidhi Muuse oo beeninayay warar ku-tiri-ku-teena.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu ka hadlay sababta  xisbigiisa iyo xukuuummada oo  markii hore taageersanaa diiwaangelinta doorashooyinku ugu qanceen laalistii golaha wakiillada, waxaannu yidhi, “Ma diiwaan gelin ayeynu doonaynay mise doorashado, arrintaasi markii la waday Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisii waxay doonayeen in Diiwaan gelintii lagu galo Doorashadii hore lagu galo doorashada Goleyaasha Deegaanka, laakiin waxa diiday Xisbiyada kale, haddii taas la diidayna waa in doorashadii bilaa diiwaan gelin lagu galaa, si doorashadu wakhtigeedii loogu tallo galay ay ugu qabsoonto, waxaan leenahay madaama oo aynaan diiwaan gelin samaynay wakhtina u baahan tahay aynu doorashada ha loo diyaar garoobo”

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com