Balanballe-(Berberanews)- Wararka ka imanaya deegaanka Balanball ee gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya inay Ciidammo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ay maanta halkaas gaadheen.
Qaar ka mid ah dadweynaha deegaanka Balanballse, ayaa warbaahinta u sheegay inay Ciidammada Itoobiya ka tallaabeen dhinaca xadka gobolku la wadaago dalka Itoobiya. Wariye jooga degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Saraakiisha Itoobiya aanay wax ficil iyo hadal ah toona samaynin.
Maaha markii ugu horreysay oo ay Ciidammo Itoobiyaan ahi soo galaan qeybo ka mid ah gobollada badhtamaha Soomaaliya, iyaga oo dhowr jeer oo hore sidan oo kale gudaha u galay degmada Balanbal oo ay hadda ku sugan yihiin iyo deegaanno badan oo gobollada Soomaaliya ka mid ah.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama oga ujeeddada rasmiga ah ee ay Ciidammada dawladda Itoobiya u galeen gudaha degmadaas, hase ahaatee, tallaabadan gelitaanka ee Ciidanka qalabka sida ee Itoobiya, ayaa ku soo beegmay xilli Ururka Midawga Afrika uu shaaca ka qaaday in Ciidammada Itoobiya qayb ka noqonayaan kuwa AMISOM ee ururka ka jooga Soomaaliya, si ay ula dagaallaman kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab oo ay hadda dagaal kula jiraan Ciidammada dawladda Soomaaliya, kuwa AMISOM, iyo kuwa dawladda Kenya.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.